Madaxweynaha Soomaaliya oo hay’adaha dowladda ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii dalka dhibaatada looga bixin lahaa

Khamiis, October 21, 2010 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hay’adaha kala duwan ee dowladda ugu baaqay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii uu dalka uga bixi lahaa dhiabatooyinka raagay ee muddada dheer soo taagnaa, si dalka looga saaro dhibaatada uu ku jiro.

“Hay’adaha dowladda, waxaan ugu baaqayaa inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii dalka looga saari lahaa dhibka, ayna diyaar u noqdaan inay ku dhaqmaan dastuurka dalka u yaalla oo haddii laga leexdo sababaya khilaafaadyo iyo burbur ku yimaada dowladda,” ayuu yiri Sheekh Shariif  oo shalay la hadlay xildhibaannada baarlamaanka.

Madaxweynuhu, wuxuu sheegay in wararka la baahinayo laga digtoonaado, lana xalliyo wixii khalad ah ee la arko, isagoo yiri: “Waxaa jirta qof walba inuu khalad geli karo, waxaase nalooga baahan yahay in haddii aan khaladkaas aragno aan saxno.”

Sheekh Shariif, wuxuu sheegay inay jiraan dad doonaya inay abuuraan khilaaf, isagoo sheegay in looga baahan yahay qof walba oo wax qoraya ama wax sameynaya inuu tixraac leeyahay, waayo qof walba oo wax qora waxaa dhacaysa inuu khalad galo.

Mar uu ka hadlay dastuurka, wuxuu sheegay inuu yahay midka keliya ee isku xiraya hay’adaha dowladda loona baahan yahay in la dhowro, isagoo daboolka ka qaaday in looga baahan yahay mas’uul walba inuu ku dhaqmo dastuurka dalka u dagsan.

“Dhibaatada dalkan haysata, waa dhinaca dhaqalaaha iyo miisaaniyadda, dowladda cusub waxaa laga doonayaa inay soo dajiso miisaaniyaddii lagu shaqeyn lahaa, taasoo ah midda looga bixi karo qaska iyo dhibaatada jirta,” ayuu yiri madaxweyne Shariif.

Madaxweynaha, ayaa ka codsaday xildhibaannada inay sharciga dalka ilaaliyaan, wuxuuna sidoo kale u sheegay guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inay dhowraan sharciga dalka u dagsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya