Warbixin ku saabsan siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan dalka Soomaaliya iyo kordhinta ciidanka AMISOM

Khamiis, October 21, 2010 (HOL) − Xukuumadda Washinton, waxay taageeraysaa qorshayaasha lagu kordhinayo ciidammada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo la filayo in Qarammada Midoobay ay dhawaan arrintan ka dooddo, ayuu yiri sarkaalka ugu sarreeya arrimaha Afrika dowladda Mareykanka Arbacadii.

PhotoKaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika Johnnie Carson, ayaa sheegay in Uganda iyo dalal kale oo Afrikaan ah ay sheegeen inay kaalin ku yeelan doonaan kordhinta ciidammada AMISOM ee ku sugan Muqdisho, si ay u soo celiyaan daganaashaha Soomaaliya.

"Waxaan taageeraynaa, qorshaha lagu kordhinayo AMISOM, balse go'aan kama aynaan qaadan inta ay noqonayso tirada ciidammadaas," ayuu Carson ku sheegay hadal uu ka jeediyay shirka ka dhacay Washington.

Dublamaasigan, wuxuu ka hadlay xaaladda ammaanka ah ee Soomaaliya, isagoo beesha caalamka ku canaantay inay ka gaabiyeen wax ka qabashada dalkaas, taasoo uu sheegay inay dhalisay halis dhinaca ammaanka ah.

Wuxuu, sheegay in Mareykanka uu qaab cusub u wajahayo arrimaha Soomaaliya, uuna xoogga saarayo soo-celinta ammaanka, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka. Isagoo sheegay inay sii wadayaan kaalmada ay dowladda KMG ah siiyaan.

"Dowladda Soomaaliya, waxaa looga baahan yahay inaysan magac ahaan u jirin, balse ay wax ka qabata xaaladda dalka, sidoo kalena ay kasbato shacabka, maadaama uu waqtiga jiritaankeedu ku egyahay bisha Ogoosto 2011," ayuu yiri Carson.

Sidoo kale, sarkaalkan u hadlay dowladda Maerykanka, wuxuu sheegay in dhaqaale gaaraya 180-Malyuun oo Doollar inay ku bixiyeen sannadkii 2009, gargaarka Soomaaliya, sidoo kalena ay ciidammada AMISOM ku taageereen 229-Malyuun oo Dollar.

Carson, wuxuu faahfaahin ka bixiyay qaababka cusub ee ay ku taageerayaan Puntland iyo Somaliland, isagoo xusay in Mareykanku uu aqoonsaday nabadda iyo is-dhexgalka bulsho ee ay ku guuleysteen gobolladan, taasna ay keentay inay goostaan inay taageeraan.

"Ma aqoonsayno Somaliland iyo Puntland midna, balse waxaan xoojinaynaa nabadda ka jirta, waxaana amaanayaa doorashadii ka dhacday Somaliland iyo qaabkii ay xilka ula kala wareegeen labada madaxweyne iyo labada xisbi" ayuu yiri Carson.

Sarkaalkan, wuxuu amaan gaar ah u jeediyay madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, isagoo ku amaanay sida wanaagsan ee uu xilka u wareejiyay, wuxuuna sheegay inuu kaalin weyn kasoo qaatay nabadeynta Somaliland.

Mar uu ka hadlay, maamulka Puntland ayuu ku boorriyay inay gacan ka geystaan sidii loola dagaalami lahaa burcadbadeedda, wuxuuse ku eedeeyay inay si xun ula dhaqmaan saxaafadda, taasoo uu sheegay inay dhaawacayso hormarka siyaasadda Puntland.

Ugu dambeyn, wuxuu ku sheegay hadalkiisa oo ahaa mid dheer, inay sidoo kale taageerayaan maamullada ka jira gobollada dhexe ee aan hoostegin dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna Waljamaaca oo uu sheegay inay dagaal kula jirto Xarrakatul Shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya