Khamiis, 21, Oct, 2010 (HOL) Laga soo bilaabo xaley fiidkii hore ilaa saakay ayaa laga maqlayaa duleedka Magaalada Beledweyne madaafiic iyo rasaas goos goos ah oo isku ridayaan xoogagga Xarrakada Al-shabaab iyo ciidamada dowladda, kuwaasoo maalmihii aynu soo dhaafneyba ku dagaallamayay daafaha magaalada Beledweyne.
Dadka ku dhaqan Tuulada Ceel-gaal oo siweyn ugu dhaw goobaha lagu dagaallamayo qaar ka mid ah waxaa ay u sheegeen HOL in ay jiraan madaafiic dhinacyada is haya isku adeegsanayaan, kuwaasoo saameyn ku yeeshay dadka ku dhaqan deegaannad lagu dagaallamayo, waxaana ay intaa ku darrayaan in ciidamada dowladdu xooga saarayaan in ay u dhaqaaqaan dhinaca magaalada, inkastoo uu jiro difaac xoog leh oo ka horjeeda.
Ilaa hadda waxaa la maqlayaa dhawaqa qoryahay culus oo ay dhinacyadu adeegsanayaan walow marka la eego guud ahaan magaalada inteeda kale tahay mid degan oo dadku si caadi ah isaga wato howl-maalmeedkiisa, lama oga sida saacadaha soo socda wax isku badali doonaan.
Maalmihii aynu soo dhaafnay ayaa dagaallo culus oo ka dhax dhacay xoogagga iska soo horjeeda waxaa ku dhintay in ka badan 25 ruux halka tiro intaa ka sii badana ay ku dhaawacmeen, waxaana jira guulo saaraakiisha dhinacyada iska soo horjeeda ay ka sheeganayaan dagaallada ka socda duleedka magaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya