Sabti, November 06, 2010(HOL): Inta ilaa iyo haatan la xaqiijiyay waxaa duqeyntaas ku dhintay 4 ruux, 10 ruux oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii caawa fiidkii ay Ciidamada Amisom duqeeyeen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Duqeynta ayaa waxay daba socotay dagaal ka dhacay qeybo ka mid ah Degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag, kaasi oo u dhaxeeyay CIidamada Dowladda Soomaaliya oo ay kaalmeynayaan kuwa Amison iyo Xoogagga ka soo horjeeda.
Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh ee duqeyntan ka dhashay ayaa la rumeysan yahay in ay intan ka badan lahayd haddii ay maalin ahaan lahayd, waayo xiliga duqeyntan dhaceysay inta badan dadkii ku ganacsanayay Suuqa waa ay ka tageen, waxaana ku harsanaa dad yar.
Ciidamada Amison ayaa duqeeya Suuqa Bakaaraha mar kasta oo ay dagaallo ka dhacaan Muqdisho ama fariisimadooda ama kuwa dowladda lala beegsado duqeymo, waxaana duqeymahooda ka dhasha khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira sida caawa dhacday oo kale, kuwaasi oo soo gaara dad rayid ah oo isugu jira kuwa Suuqa u soo dukaameysi tegay iyo kuwo goobo ganacsi ku heystay.
Dagaalkii ka dhacay qeybo ka mid ah Degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag ee duqeyntan sababay ayaa haatan lagu soo waramayaa in uu hakad galay, isla markaana ay dhinacyadii dagaallamayay dib u kala gurteen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]