Sabti, 06 November, 2010 (HOL) − Saddex wariye oo ka howlgeli jiray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, ayaa maanta sheegay inay hanjabaadyo awgood uga soo tageen degmadaas, oo dhawaan lagu dhaawacay wariye Xasan Maxamed Abiikar (Xasan Matoore), oo ka mid ahaa wariyeyaasha degmadas ka howgeli jiray.
"Waxaan Afgooye uga soo cararnay, warqado hanjabaadyo ah oo lagu soo dhajiyay goobaha ay shacabku ku badan yihiin, kuwaasooo lagu sheegay in nala beegsan doono," ayuu yiri C/risaaq Qoslaaye oo degmadaas uga soo warrami jiray idaacadda Shabelle ee xarunteedu tahay Muqdisho.
Qoslaaye, oo ka hadlayay xarunta Shabelle ee Muqdisho, ayaa sheegay inay si dhuumaaleysi ah uga soo tageen degmada Afgooye, wuxuuna xusay in loogu hanjabay in la dili doono ayna u shaqeeyaan idaacado ay leeyihiin Murtadiinta.
"Warqadaha, waxaa ku qornaa in la dhameystiri doono Xasan Matoore, haddii uusan ka laaban la shaqeynta idaacadaha murtadiinta, sidoo kalena la dili doono kuwa kale ee u shaqeeya idaacadahaas," ayuu yiri Qoslaaye.
Kooxo hubeysan, ayaa toddobaadkii hore degmada Afgooye ku dhaawacay wariye Xasan Matoore, oo ka mid ah wariyeyaasha madaxbanaan ee degmadaas ku noolaa, kaasoo dhaawiciisa lagu daweynayo Isbitaalka Dayniile ee duleedka Muqdisho.
Wariye Qoslaaye, oo la weydiiyay wariyeyaasha ku harsan degamda Afgooye ayaa sheegay inay gaarayaan afar wariye, dhowr jeer oo horena cadaadis ku saabeen maamulka Xisbul Islaam ee degmadaas maamula wararka ay u diraan idaacadaha ay la shaqeeyaan.
01-dii Jannaayo 2009, ayaa waxaa lagu dilay degmada Afgooye wariyihii halkaas uga soo warrami jiray idaacadda Shabeelle Xasan Mayow Xasan, kaasoo uu si bareer ah u toogtay nin ku labisnaa dharka ciidammada dowladda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya