Beelaha ku dagaallamaya qeybo ka mid ah bartamaha Soomaaliya oo baaq loo jeedinayo

Sabti, 06, November, 2010 (HOL)  Kadib dagaallo sababay dhamashada in ka badan 17 ruux oo ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanno hoostaga goballada Mudug iyo Galgaduud, ayaa waxaa isa soo taraya baaqyo nabadeed oo loo jeedinayo beelaha dirirtu u dhaxeyso.

Mas'uuliyiinta maamulada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb oo markii ugu horeysay ka hadllay dagaallka ayaa ugu baaqay dhinacyada iska soo horjeeda in ay soo afjareen colaada islamarkaana wixii khilaafaad ah ku dhameeyaan wada hadllay iyo is afgarad.

Madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb Max'ed Aadan Tiicey oo la hadllay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odayaasha labada beelood in ay qaboojiyaan xiisada una soo jeestaan wada hadllay, isaga oo intaa ku darray in dhacooda gacan mug leh ka geysan doonaan sidii wax looga qaban lahaa colaada jirta.

Sidoo kale waxaa baaq la mid ah kan uu jeediyay madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb diray Max'ed Axmed Caalin oo ah madaxweynaha maamulka Galmudug oo dhinaciisa ugu baaqay siyaasiyiinta beelaha dirirtu u dhexeyso in ay soo faragaliyaan xiisada ka taagan bartamaha Soomaaliya, isaga oo dhinaca kalana sheegay in maamulkiisa ka qeyb qaadan doono daminta colaada.

Wariye ku sugan degmada Caabud-waaq ee goballka Galgaduud oo siweyn ula socda xiisada ka taagan deegaannada hoos taga goballada Galgaduud iyo Mudug ayaa sheegay in marka laga soo tago baaqyada la jeedinayo wali aan si toos ah loo kala dhaxgalin beelaha dagaallamaya, waxaana uu intaa ku darray in mar walba la filan karo dagaal dhaca maadaama xiisadu jirto maleeshiyada beeluhuna isku horfadhiyaan goobaha lagu dagaallamay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne,Soomaaliya