Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlya dagaallada u dhexeeya dowladda iyo xoogagga hubeysan

Sabti, 06 November, 2010 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Famaajo) oo khadka taleefoonka khadubad ugu jeediyay Jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka Britain ku nool maanta, ayaa sheegay in xusay in Soomaaliya ay ka dagaalamaan shisheeye ka yimid dalal ay Afgaanistaan ka mid tahay.

"Soomaaliya, waxaa ku sugan dagaalayahanno shisheeye ah oo ka yimid dalal ay ka mid yihiin: Afgaanistaan, Pakistaan iyo dalalka kale ee carabta, waxaana halkaan ay ku joogaan inay ka dhigtaan goob ay caalamka uga duulaan," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo aan weli ku dhawaaqin golihiisa wasiirrada.

Ra'iisul wasaaruhu, wuxuu ugu baaqay kooxaha Soomaalida ah ee dagaalka kula jira dowladda inay nabadda iyo dib u heshiisiinta ka qaybgalaan, isagoo xusay inay ka dowlad ahaan la heshiinayaan cid walba oo nabad doonaysa.

"Waxaan diyaar u nahay inaan la heshiinno koox walba oo nabad doonaysa, inagoo ugu baaqayna kooxaha kale ee dibadaha ka yimid inay dalka isaga baxaan oo ay dalalkooda ka raadsadaan Janno, waxay raadinayaan hadday janno tahay," ayuu yiri Maxamed C/llaahi.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuu khudbaddiisa ku sheegay inaysan Muqdisho ahayn goob Jannadu ka dhow-dahay, balse qof walba laga rabo inuu ka raadsado jannada dalkiisa, oo dagaalka uu wado uu halkaas u weeciyo.

Dhanka kale, Maxamed Farmaajo, wuxuu ka codsaday jaaliyadaha Soomaaliyada ee dibadaha ku nool inay qayb ka qaataan nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, si looga baxo dhibaatada muddada dheer soo jirtay.

"Xukuumadda aan soo dhisi doono, waxaan rajeynayaa inay noqoto mid wax ka qabata dalka, waxaana kusoo xuli doonaa aqoon, balse waxaan ka doonaynaa in jaaliyadaha dibadaha ku nool ay gacan nagu siiyaan howsha aan hayno, maadaama aan aniguba ka mid ahaa," ayuu yiri Farmaajo.

Hadalka, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa noqonaya kii ugu horreeya ee uu ku weeraro kooxaha dagaalka kula jira dowladda, uuna ka dalbado jaaliyaha dibadda inay gacan ku siiyaan xukuumadda uu soo dhisayo soo celinta ammaanka iyo dib u dhiska dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya