Burcadbadeedda Soomaaliya oo madax-furashadii ugu badnaynd ka qaatay markab muddo dheer u afduubnaa

Sabti, 06 November, 2010 (HOL) − Burcabadeed Soomaali ah, ayaa sheegay inay ka heleen 9.5-milyan dollar, maanta oo Sabti ah markab laga leeyahay Koonfurta Kuuriya iyo 19-shaqaale ah oo la socday, kaasoo ay bishii April ee sannadkan ka qabsadeen badweynta Hindiya.

MV Samho Dream, oo ah markabka lasii daayay, wuxuu siday 2-milyan oo fuusto oo shidaal cayriin, ah waxaana kooxaha haystay ay kasoo qabsadeen meel ka baxsan biyaha Soomaaliya isagoo ka yimid dalka Ciraaq kuna sii-jeeday dalka Mareykanka.

"Lacagta, waan helnay, waxaana ku jirnaa tirinteeda, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaana kusii daynaynaa," ayuu u sheegay Reuters, mid ka mid ah burcadbadeedda oo magaciisa kusoo gaabiyay Xasan.

Andrew Mwagura, oo ah madaxa hay'adda badmaaxiinta bariga Afrika, ayaa isaguna sheegay in madaxfurashadan ay tahay tii ugu badnayd ee kooxaha burcadbadeedda ah ay ka qaataan markab ay afduubeen, tan iyo markii afduubyada bilaabeen.

"Markii hore waxay dalbadeen 20-milyan oo Dollar, balse wadahadallo dheer kaddib ayaa waxaa lagu soo koobay lacagta 9.5-milyan. Tanina waa qiimihii ugu badnaa ee ay kooxaha burcadabadeeddu helaan," ayuu Mwangura u sheegay Reuters.

Sarkaalkan, wuxuu sheegay in sii-daynta markabka ay qaadanayso saacado, isagoo taas sabab uga dhigay in kooxaha burcadda ah ee haystay ay lacagta tirsadaaan kalana qaybsadaan.

"Lacagta, waxaan helnay saakay, waana 9.5-milyan, inta aan ka qaybsanayno ayuuna markabku gacanteena ku jirayaa," ayuu sidoo kale Cali oo ka mid kooxda markabka haysatay u sheegay Reuters.

Sidoo kale, markab sitay calanka dalka Singapore, ayay kooxaha burcadbadeedda ah sii daayeen maanta, kaasoo ay la socdeen 19-shaqaale oo u dhashay dalka Shiiinaha, balse lama sheegin lacagta lagu sii daayay inta ay le'eg tahay.

Afhayeen u hadlay burcadbadeedda, ayaa sheegay inay ka qaateen lacag aad u fara badan, taasoo uu ka gaabsaday inuu carabka ku dhufto, wuxuuse sheegay in diyaarad ay ugu soo dul riday markabka.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Golden Blessing oo ah nooca shidaalka qaada, ayay kooxaha burcadbadeedda ah qabsadeen bishii June ee sannadkan isagoo kusii socda dalka Hindiya, kana ambabaxay Saudi Arabia.

Dhanka kale, burcabadeed saddexaad, ayaa afduub ku qabsaday maanta markab laga leeyahay dalka Denmar oo nooca shidaalka qaada ah, kaasoo lagu magacaabo MT Torm Republican iyo 22-shaqaale ah oo la socda.

Markabkan, ayaa lagu qabsaday biyaha u dhexeeya dalalka Kenya iyo Tanzania. Iyadoo shirkadda iska leh markabkan oo lagu magacaabo TORM A/S in Hellerup, ay sheegtay in markabkooda iyo 22-shaqaale oo u dhashay dalka Hindiya uu gacanta u galay burcadbadeedda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya