Sabti, 06 November, 2010 (HOL) − Maxkamad dalka Kenya ayaa Jimcihii shalay sii-daysay 17-dhallinyaro Soomaaliyeed oo uu ku wareejiyay dalkaas markab dagaal oo Mareynkanku leeyahay, kuwaasoo ku eedeysnaa inay yihiin burcadbadeed. Balse maxkamaddu waxay sheegtay inuusan marakbku keenin cadeymo dhameystiran.
Qareenkii u doodayay dhallinyaradan, ayaa sheegay in maxkamaddu ay waday wax cadeymo ah oo muujinaya in raggaan ay ahaayeen burcadbadeed, taasoo sababtay in lasii daayo,
Xeer ilaaliyaha maxkamadda magaalada Mombassa Jared Magolo, ayaa sheegay in lagu eedeeyay ragga inay weerareen markab laga leeyahay dalka Masar oo lagu magcaabo MV Amira bishii May ee sannadkii hore, balse aysan helin wax caddeymo ah, taasna ay keentay inay go'aansadaan sii-dayntooda.
"Ma jiraan caddeymo isugu jira filimaan ama sawirro muujinaya inay raggaan yihiin burcadbadeed, oo uu markabka dagaal ee Mareykanku soo gudbiyay, sidaa daraadeed ma xukumi karno," ayuu yiri Magolo.
Garsooraha maxkamadda Mombassa Michael Kizito, ayaa sheegay inay sida caadiga ah arkaan dad lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan oo aan wax caddeymo ah laga daba keenin, ayna dadkaas sii-daayeen.
In ku dhow 136-qof oo Soomaali ah loogana shakisan yahay inay yihiin burcadbadeed ayaa ku xiran xabsiyada dalka Kenya, kuwaasoo lasoo qabtay tan iyo sannadkii 2008, waxaana qaarkood lagu xukumay xabsiyo kala duwan.
Dalalka Kenya iyo Seychelles, ayaa ah dalal heshiis kula jira ciidanka Midowga Yurub ee howlaha la dagaalanka burcadbadeednimada ugu sugan biyaha Soomaaliya, halkaasoo lagu taago maxkamad burcadbadeedda ay qabtaan laguna xiro.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya