Arbaco, May 26, 2010 (HOL) − Haweeney ayaa ku dhimantay, dhowr qof oo kalena way ku dhaawacmeen qaraxa maanta ka dhacay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxan aan weli la sheegin wixii uu ka dhashay.
Goobjoogayaal ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inaysan garanayn wuxuu ka dhashay, iyadoo dadka qaarkood ay sheegeen inuu ahaa mid ka dhashay miino aasnayd, halka kuwo kalena ay sheegeen inuu ahaa hoobiye.
Maamulka Degamda Wadajir ayaa xaqiijiyay inuu qaraxa dhacay, waxayse ka gaabsadeen inay sheegaan wuxuu ka dhashay, waxaana isbadal uu ku yimid xaafadda uu qaraxaas ka dhacay.
Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa xaafaddaas ayaa la sheegay inay rasaas fureen, taasoo dhaawacyo gaarsiisay dad rayid ah oo goobta ka dhawaan, iyadoo aan la sheegin in qaraxa uu ahaa mid lala beegsanaya ciidamada iyo in kale.
Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor qaraxa miino oo lagu weeraray askar ka tirsan kuwa Dowladda lagu dilay saddex askari, kaasoo ay mas'uuliyaddiisa sheegtay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Dhanka kale, laba wiil oo dhallinyaro ah ayaa maydadkooda laga helay degmada uu qaraxa ka dhacay, kuwaasoo la sheegay inay ka mid ahaayeen dadka xaafadda dagan, balse aan la garanayn cidda dishay iyo sababta loo dilay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya