Arbaco, May 26, 2010 (HOL) − Ra'iisul wasaare ku xigeenkii Dowladda Soomaaliya ahna Wasiirka Masaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta u gudbiyay qoraal uu isku casilyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke.
Shariif Xasan ayaa sababaha uu xilkiisa isaga casilayo waxay tahay inuu noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo dhacaya maalinta Jimcaha ee soo socota, loona saadaalinayo inuu ku guuleysto.
Xildhibaankan ayaa soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya intii u dhexeysay 2004 - 2006, isagoo xilkaas ka tagay markii uu khilaaf soo dhexgalay isaga iyo Madaxweynihii xiligaas talada hayay.
Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo xilkaas loo doortay ayaa wuxuu isaguna todobaad ka hor iska casilay xilka kaddib muran hareeyay baarlamaanka Soomaaliya.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu aqbalo iscasilaadda Shariif Xasan oo berri ay isaga iyo afar xubnood oo kale oo xilkan u tartamaya horatagi doonaan Xildhibaannada si ay sharraxaad uga bixiyaan waxqabadkooda.
Dhanka kale, qaar ka mid ah Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka dalbaday Xildhibaannada Baarlamaanka inaysan dooran Shariif Xasan oo ay sheegeen inuu lunsaday hanti badan oo Dowladdu leedahay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya