Arbaco, May 26, 2010 (HOL) − Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaliya Dr. C/llaahi Daahir Barre ayaa saxaafadda u xaqiijiyay inay soo gaareen dacwooyinka 10-wasiir oo Dowladda ka tirsan, isagoo sheegay inay baaritaanno wadaan.
Dr. C/llaahi Daahir Barre wuxuu sheegay in dacwooyinkaan ay soo gudbiyeen guddiga dhowrista iyo hantida Qaranka ee Baarlamaanka, isagoo ka gaabsaday inuu sheego xubnaha dacwooyinkooda loo keenay ee ku jira golaha Wasiirrada.
Guddigan oo horay uga hadlay dacwooyinkan ayaa sheegay in Wasiirrada la dacweeyay ay ku jiraan Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadda u sharraxan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirka Lacagta Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo Wasiirro kale.
Xeer ilaaliyaha oo wax laga weydiiyay khilaafka u dhexeeya Madaxda dalka ugu sarrreysa ayaa sheegay inuusa xilligaan ka hadlayn, balse ay dhowrayaan waxa kasoo baxa khilaafkooda, iyadoo la sheegayo in Madaxweyne Sheekh Shariif uu ka fikirayo inuu soo magacaabo Ra'iisul Wasaare cusub oo badala Cumar C/rashiid.
"Labada mas'uul waxay ku kala bixi karaan Maxkamadda sare, waayo dowladdu waa mid dhisan qaab saddex qaybood ah howlahoodu kala duwan yihiin, innagu hadda faraha lama geli karo khilaafka" ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka.
Dhanka kale, maruu ka hadlay xilka guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka oo la sheegay in loo tartamayo ayuu ku sheegay inay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn, balse loo tartami karo xilalka la iska casilay oo kaliye.
Xeer Ilaaliyuhu wuxuu sheegay in guddiga doorshooyinka ay tahay inay dib u eegaan qodobadkaas, isagoo sheegay in Prof. Dalxa uu xilkaas hayo, haddii laga tallaabsadana aysan doorashadu noqonayn mid sharciga waafaqsan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sheegay in lasoo gaarsiiyay dacwooyin ka dhan ah Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya
More News
- Qarax ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo sababay dhimasho
- Wasiirkii Maaliyadda Dowladda Soomaaliya oo xilkiisii iska casilay, kaddib markii uu ka mid noqday murashaxiinta Baarlamaanka
- Cabdinuur Axmed Darmaan oo xaqiijiyay inuu heshiis uu ku doonayo ciidamo la galay shirkad fadhigeedu yahay dalka Jarmalka
- Shirweynaha Suxufiyiinta adduunka oo ka furmay Dalka Spain (DAAWO SAWIRRO)
- Madaxwayne Faroolle Oo Sheegay In Puntland ay ka Qayb Qaadanayso Xalinta Khilaafka u Dhaxeeya Madaxda Dowlada Soomaaliya
- Maydadka Wiilal dhallinyaro ah oo saakay lagu arkay Degmada Wadajir ee Gobolka Baanadir
- Guddiga qabqanqaabada doorashooyinka Baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhawaaqay xilliga ay qabsoomayso doorashada
- R/W Sharma'arke oo beeniyey In uu Is-Casilayo
- Fatahaad xoogan oo sababtay barakac qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Beledweyne (DAAWO SAWIRADA