Arbaco, May 26, 2010 (HOL) − Maydadka laba wiil oo dhallinyaro ah ayaa laga helay saakay degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, kuwaasoo aan la garanayn cidda dishay iyo sababta loo dilay.
Dhallinyarada la dilay ayaa waxaa jirkooda ka muuqday rasaas, iyadoo mid ka mid ah la gartay halka midka kalena la garan waayay, waxaana maydadkooda ay yaaleen agagaarka Siligii hore ee Mareykanka.
"Intii aan maydadka la arkin waxaa lagu arkay dhiig badan, markii la raacay waxaa loo tagay maydadka dhallinyaradan oo ay xabbado ku yaallaan, lana dhigay luuq yar oo aan la marin" ayuu yiri goobjooge arkay maydadka dhallinyaradan.
Ma jirto cid sheegatay dilka dhallinyarada, sababta loo dilay iyo weliba ciddii ay ka tirsanaayeen, waxaana la sheegay in midka la gartay uu ka tirsanaa dhalinyarada dagan xaafado ku dhow Isbitaalka Banaadir.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa caado ka noqotay in lagu arko xaafadaha maydadka dad la dilay oo dhallinyaro u badan, kuwaasoo aan la ogeyn sababta loo dilay iyo cidda dilkooda ka dambeysa.
Degmada Wadajira ayaa maalin ka hor ka dhacay Qarax sababay dhimashada ugu yaraan 3-askari oo ka tirsan ciidanka Dowladda, halka ay ku dhaawaacmeen laba iyo toban qof oo isugu jiray rayid iyo askar.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Maydadka Wiilal dhallinyaro ah oo saakay lagu arkay Degmada Wadajir ee Gobolka Baanadir
More News
- Qarax ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo sababay dhimasho
- Wasiirkii Maaliyadda Dowladda Soomaaliya oo xilkiisii iska casilay, kaddib markii uu ka mid noqday murashaxiinta Baarlamaanka
- Cabdinuur Axmed Darmaan oo xaqiijiyay inuu heshiis uu ku doonayo ciidamo la galay shirkad fadhigeedu yahay dalka Jarmalka
- Shirweynaha Suxufiyiinta adduunka oo ka furmay Dalka Spain (DAAWO SAWIRRO)
- Madaxwayne Faroolle Oo Sheegay In Puntland ay ka Qayb Qaadanayso Xalinta Khilaafka u Dhaxeeya Madaxda Dowlada Soomaaliya
- Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sheegay in lasoo gaarsiiyay dacwooyin ka dhan ah Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya
- Guddiga qabqanqaabada doorashooyinka Baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhawaaqay xilliga ay qabsoomayso doorashada
- R/W Sharma'arke oo beeniyey In uu Is-Casilayo
- Fatahaad xoogan oo sababtay barakac qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Beledweyne (DAAWO SAWIRADA