10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 26, 2010
Fatahaad xoogan oo sababtay barakac qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Beledweyne (DAAWO SAWIRADA

Arbaco,  26, May, 2010 (HOL)  Inta badan Qoysaskii ku noolaa Xaafadaha Magaalada Beledweyne xalay waxaa ay  u aheyd habeen soo jeed ah kadib markii Saqdii dhexe xalay ku soo rogmadaan Fatahaado ka dhashay Wabigga Shabeelle iyo Roobab ka da'ay Magaalada in ka badan 12-saacadood.

Mar kaliya ayaa waxaa laga maqlay Xaafadaha Xaawo-Taako, Kooshin, iyo  Xaafada Buundo-weyn qeylo dhaanta Qoysas codsanaya in gacan la siiyo maadaama Biyuhu soo Jabsadeen xili dadka intiisa badan hurdo, waxaana Qoysaska soo food saartay cabsi la xiriirta in Daadadku qaadaan Dadka Jilicsan sida Caruurta iyo Dadka Waayeelka, waxaana bilaawday gurmad ay u sameynayaan kuwa aan Biyuhu saameyn Qoysaska codsaday in gacanta la siiyo.

Ilaa saakay waxaa socda barakaca Qoysaska Biyuhu ku soo Fataheen kuwaasoo qaarkood u baqoolaya deegaannada  ka durugsan  Magaalada sida Ceel-gaal, Beer-gadiid, Kala-beyr iyo deegaanno kale oo dhamaatood ku teedsan wadada Laamiga ah, halka qaar kale oo badana ay ku barakaceen Xaafadaha kale ee Magaalada ee ka bad qaba Fatahaada ka dhalatay Roobab-ka iyo Wabigga is biirsaday.

Dadkan qaarkood waxaa ay guryahooda ka carareen iyaga oo aan xitaa sidan wax Alaab ah kadib markii ay Biyuhu u saamixi waayeen in ay qaataan,  waxaana ay qaar ka mid ah Qoysaskaasi u sheegaan HOL in
iyaga oo arkaya Alaabtoodii uu la tagay Wabigga islamarkaana ay si dirqi ah ugala bexeen Naftooda.

Dhinaca kale waxaa saakay ka socda goobaha Ganacsiga sida Suuqa lagu iibiyo Dharka iyo kan Raashinka dhaq dhaqaaqyo Ganacsatadu kula baxayaan Alaabahooda maadaama laga yaabo in Roobab-ku sii da'aan
Biyuhuna intan ka sii bataan, waxaana jirta in Ganacsata Raashinka iibisa u daabulayaan Badeecada u taala Guryaha iyo Bakaarada ku yaalla dhulka Jooga sare ah ee aan looga cabsi qabin in ay Biyuhu soo galaan.

Inkastoo Qoysasku yihiin kuwo ku kala Liinta dhinaca Nolasha ayaa intii aan awoodu saamixin in ay markiiba Guryo iyo Hotelo kireystaan waxaa ay maciin bideen in ay ku biiraan Xerrayaha barakacayaasha ee ku yaala daafaha  Magaalada oo dadkii hore ugu jirray quus ka taagnaayeen Xaaladaha Nolaleed ee ku heysta.

Waxaana arimahan dhacaya oo dhan marka aad eegto ku soo beegmayaan xili dhawaan Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne ku dhawaaqeen in aysan Hay'addaha Samafalku ka
howlgali karin Goballka, taasoo marka la eego la oran karo waxaa ay ku soo beegantay xili dadku siweyn ugu baahan yahay gacan ay ka helaan Hay'addaha Samafalka oo marka sidan oo kale xaaladu u cakiran tahay
haba yaraateen wax uun gacan ah siin jirray dadka dibad yaalka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya