R/W Sharma'arke oo beeniyey In uu Is-Casilayo

Arboco, May 26, 2010 (HOL) - R/Wasaare Cumar C/Rashiid Cali Sharma'arke ayaa beeniyey in uu jagadiisa iska casilayo labada toddobaad ee soo socda. Warar hoose oo HOL soo gaaray ayaa daboolka ka qaadaya inuu R/Wasaaruhu qiimeynayo inuu heshiiskii oo haray madaxweynaha  ula galay ka boxo oo uu jagadiisa sii hayo kuna dagaallamo.

Arrintan ayaa ka dambeysay, sida ay HOL ogaatay, kaddib markii ay caddaatay in Shariif Xasan Sh. Aden ay u badan tahay in loo doorto guddoomiyaha baarlamaanka, isaguna uu is hortaagi doono in xukuumadda Sharma'arke codka kalsoonida loo qaado.

Sharma'arke ayaa lagu soo warramayaa inuu si aan qarsoodi laheyn ugu ololeynayey in Shariif Xasan uu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.

Isbeddelkan cusub ayaa sii cakireya marxaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo. Waxaana sii wiiqmeysa awoodda siyaasadeed ee madaxweyne Shariif.

Madaxweyne Shariif ayaa maalmihii lasoo dhaafay wada-xaajood hoose oo uu doonayey inuu kusoo xusho Ra'iisul Wasaare cusub. Ragga uu madaxweynuhu qiimeynayo waxaa kamid ah Maxamed C/llahi Oomaar, wasiirka tacliinta sare,  Maxamed C/rizaaq, oo ah aqoonyahan da'a yar, kana shaqeeya xafiiska Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Axmedou Ould-Cabdallah iyo C/Kariim Jaamac, madaxa xafiiska madaxweynaha, isla markaana ah la taliye sare.