Isku shaandheyn lagu sameeyay Galinkii dambe maanta Maamulka Islaamiga ah ee Degmada kismaayo

Isniin, May 24, 2010 (HOL) -Wareegto galinkii dambe  kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha gobollada jubooyinka ee xarakada alshabaab Sheekh Abuukar Cali Aadan ayaa waxaa isku shaandheyn loogu sameeyay maamulkii ka dhisnaa Degmada kismaayo ee Xarakada Alshabaab.
 
Wareegtadan oo uu ku sixiixnaa gudoomiyaha gobollada jubooyinka ee xarakada alshabaab sheekh Abuukar Cali Aadan ayaa waxaa lagu xusay xubnaha cusub ee la magacaabay iyadoo gudoomiyaha degmada kismaayo loo magacaabay Sheekh Xasan Yacquub Cali oo hore u ahaa Madaxa dacwada Maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka.
 
Sheekh C/naasir Yuusuf C/dille ayaa isna loo magacaabay Madaxa Dacwada Maamulka Islaamiga ah ee degmada Kismaayo, Sidoo kale C/raxmaan Fiillow ayaa loo magacaabay Kuxigeenka Ciidamada amaanka degmada Kismaayo.
 
Sheekh Abuukar Cali aadan Gudoomiyahay maamulka xarakada alshabaab ee gobollada jubooyinka ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo in ay la shaqeeyaan masuuliyiinta maanta la magacaabay.
 
Isku shaandheynta Galinkii dambe maanta lagu sameeyay Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Kismaayo ayaa kusoo beegmaysa xilli ay magaalada kismaayo ku sugaqnyihiin xubno katirsan Masuuliyiinta ugu sareysa ee xarakada alshabaab  oo uu hogaaminayo afhayeenka guud ee xarakada alshabaab sheekh Cali Max’uud Raage (Sheekh Cali Dheere).
 
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya