Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya oo ka warbixiyay shirkii Turkey

Isniin, May 24, 2010 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wasiirka Hiddaha Tacliinta sare ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa ka warbixiyay go'aannadii kasoo baxay shirkii ka dhacay dalka Turkiga.

Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu sheegay in shirkaas uu fursad weyn u ahaa shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in laga soo saaray go'aanno ay ka mid yihiin in la taageero Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Soomaaliya iyo AMISOM.

"Qodobbadii shirka lagu gaaray waxaa ka mid ahaa in la qalabeeyo ciidamada AMISOM lana kordhiyo tiradooda si ay gacan uga geystaan xasilinta Soomaaliya" ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in ciidamada AMISOM ay u baahan yihiin qalab loona balanqaaday.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dib u dhiska hay'adaha dowladda iyo soo celinta ammaanka laga kaalmaynyo xukuumaddiisa, isagoo xusay in shirkaan uu ka duwan yahay shirarkii hore ee looga hadlay Arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Maxmaed C/llaahi Oomaar ayaa isaguna sheegay in shirka lagu gaaray qodobbo ay ka mid yihiin in la dhiso hay'adaha dowladda iyadoo la ogyahay in dalka ay ka jirto fowdo iyo daganaasho la'aan.

"Go'aannada shirka lagu gaaray waxaa ka mid ah inaan la isku xirin hay'adaha dowladda, lana dhiso hadba kuwii ay suurogal tahay in la dhiso, si shacabka Soomaaliyeed loo tuso inay rajo jirto isbadalna uu dhacayo" ayuu yiri Oomaar.

Shirka lagu soo gabgabeeyay dalka Turkey oo ay ka qaybgaleen 55-dal iyo 12-urur oo caalami ah ayaa la isku afgartay in lagu taageero Soomaaliya oo khatar weyn ugu jirta inay ka harto caalamka intiisa kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya