Isniin, May 24, 2010 (HOL) − Afhayeenka Culummaa'udiinka Ahlusunna Waljamaaca Sheekh C/llaahi C/raxmaan (Abuu-Yuusuf) oo maanta shir Jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay ballaarin doonaan dagaalka ay ka wadaan Muqdisho.
Sheekh C/llaahi wuxuu sheegay in dagaalladii ay ciidamadoodu ku galeen Muqdisho ay ahaayeen kuwo laga gaaray ujeedooyinkii laga lahaa, isagoo xusay inay wadaan qorshayaal ay ku weerarayaan deegaannada ay Ururka Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab gacanta ku hayaan.
"Dagaalladii aan Muqdisho ka bilownay guulo ayaan ka gaarnay, hadafkeenuna wuxuu ahaa inaan u gargaarno Shacabka Muqdisho ku nool, waana xoojinaynaa dagaalka" ayuu yiri Afhayeenka Ahlusunna Walajamaaca.
Madaxa Warfaafinta ee Ahlusunna wuxuu sheegay in ciidamadoodu ay yihiin kuwo talis gaara ah laga maamulo oo aysan hoostagin dowladda, isagoo ugu baaqay Dowladda inay difaacato goobaha muhim ah sida Madaxtooyada.
Afhayeenku wuxuu ku eedeeyay Xarrakatul Shabaab inay caburin ku hayaan saxaafadda ka howlgasha Magaalada Muqdisho ayna dhawaan gudaha u galeen xarunta Idaacaddda Somaliweyn ayna ka qaateen qalab kala badan.
"Waxaa jira qorshayaal ku wajahan saxaafadda xorta ah oo ay Xarrakatul Shabaab waddo, waxaana ka mid ah in lagu soo rogo amarro ah inay u shaqeeyaan sida Idaacadda Kismaayo, ciddii diidana ay ka qaataan qalabka" ayuu yiri Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu-Yuusuf.
Kooxda Ahlusunna oo ka mid ah Islaamiyiinta hubeysan ee ku dagaalamaya Muqdisho ayaa horay u sheegay inay dagaallo ka bilaabeen Muqdisho, kuwaasoo ay kaga horjeedaan Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Culummaa'uddiinka Ahlusunna Waljacaama oo sheegay inay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Xoogagga Dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda
More News
- Isku shaandheyn lagu sameeyay Galinkii dambe maanta Maamulka Islaamiga ah ee Degmada kismaayo
- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay in cadaadis lagu saaray in la sii daayo dadka u xidhan falalka Argagixiso ee ku jira Xabsiyada dalka.
- SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS: "Ganacsatada Soomaaliyeed waa inay soo rartaan maraakiibta ku jirta caymiska, si ganacsigooda ugu badbaado"
- Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo sheegtay inay dagaal weyn ku qaadi doonaan ciidamada AMISOM iyo Madaxtooyada Soomaaliya
- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam oo ka mamnuucay deegaannada ay gacanta ku hayaan Isticmaalka Tusbaxa
- Qoysaskii ku harsanaa Degmooyinka Magaalada Muqdisho oo bilaabay inay guryahooda isaga barakacaan, kaddib dagaallo xooggan oo ka dhacay
- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya oo ka warbixiyay shirkii Turkey
- Qoys ka koobnaa Hooyo iyo Afar Caruur ah oo ay dhashay oo degmada Buula-burte ugu geeriyooday Biyo sumeysan oo ay cabeen.