Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay in cadaadis lagu saaray in la sii daayo dadka u xidhan falalka Argagixiso ee ku jira Xabsiyada dalka.

Isniin, 24 May, 2010 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay in cadaadis lagu saaray in la sii daayo dadka u xidhan falalka Argagixiso ee ku jira Xabsiyada dalka.

Madaxweyne Rayaale wuxuu sheegay in socdaalkii uu ku tegay dalalka Yurub, gaar ahaan socdaalkiisii u dambeeyay ee uu ku tegay dalka Faransiiska cadaadis lagu saaray in uu Xabsiyada ka sii daayo dadka u xidhan falalka Argagixiso, waxaanu arrintaa ku tilmaamay farogelin dibedeed.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxweynuhu oo maanta la soo saaray, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Maanta soo saaray Warsaxafadeed kooban oo loo qaybiyey Warbaahinta, kaasoo ku saabsanaa dadka ku xukuman fal dambiyeedka Argagixisadda ee haatan ku xidhan Jeelasha Somaliland. Nuxurka Warsaxafadeedkaasi xambaarsanyahay waa sida hoos ku qoran; Socdaalkaygii ugu danbeeyey ee aan ku tagay qaaradda Europe waxaa culays la igu saaray in aan sii daayo dadka ku xukuman falalka argagixisanimadda ee hada ku jira jeelasha Somaliland.  Waxaan aad ugu kalsoonahay uguna hanweynahay in cadaalada Somaliland ay tahay mid aan u nuglayn in faragelin dibadeed lagu sameeyo mana jiraan wax nagu khasbaaya in aanu jeelasha ka siidayno dadka ku kacay danbiyada argagixisinimada lana xukumay, kuwaas oo isku dayey in ay ugaystaan Shacbiga Somaliland weeraro argagaxisinima ah.”

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.