Isniin, May 24, 2010 (HOL) - Waxaa Magaalada Muqdisho qaybteeda waqooyi saakay ka socda barakac ay sameynayaan dadkii daganaa degmooyinkii ay dagaalladu ka dhacayeen maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo saakay ay xaaladdu tahay mid daggan.
Qoysas badan ayaa ka barakacaya degmooyinka Yaaqshiid, Shibbis, Boondheere, Kaaraan iyo C/casiis kuwaasoo ay saameyn xooggan ku yeesheen dagaalladii ka dhacay maalmihiii lasoo dhaafay oo u dhexeeyay Dowladda iyo Xarrkatul Shabaab.
"Waxaan go'aan ku gaarnay inaan ka baxno guryaheenna kaddib saddex maalmood oo dagaallo xiriira ah ay ka socdeen degmooyinka Waqooyiga Muqdisho, qof walba waa baxayaa saakay" ayay tiri Raaxo Ismaaciil watay dhowr caruur ah kana mid ahayd dadkii ka barakacayay degmada Kaaraan.
Raaxo waxay sheegtay in dhowr bilood ka hora ay kasoo laabatay qax, kaddib markii ay ku noolaan wayday deegaannadii ay barakac ahaanta ku tageen, maanta ay mar kale qaxayso.
Gaadiid ay ku raran yihiin qalab kala duwan oo ay ka mid yihiin joodariyaal ayaa wadooyinka Muqdisho buuxiyay, waxaana dadkan ay isugu jiraan kuwo ku wajahan deegaannada loo barakacay ee duleedyada Muqdisho iyo degmooyinka xasiloon ee caasimadda.
Dagaalladii iyo duqeymihii ka dhacay degmooyinka Waqooyiga Muqdisho tan Jimcihii lasoo dhaafay ayaa waxay khasaare badan kasoo gaartay dadka rayidka ah, iyadoo qoys ka koooban shan qof ay ku dhinteen Madfac kula dhacay degmada Boondheere.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Qoysaskii ku harsanaa Degmooyinka Magaalada Muqdisho oo bilaabay inay guryahooda isaga barakacaan, kaddib dagaallo xooggan oo ka dhacay
More News
- Isku shaandheyn lagu sameeyay Galinkii dambe maanta Maamulka Islaamiga ah ee Degmada kismaayo
- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay in cadaadis lagu saaray in la sii daayo dadka u xidhan falalka Argagixiso ee ku jira Xabsiyada dalka.
- SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS: "Ganacsatada Soomaaliyeed waa inay soo rartaan maraakiibta ku jirta caymiska, si ganacsigooda ugu badbaado"
- Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo sheegtay inay dagaal weyn ku qaadi doonaan ciidamada AMISOM iyo Madaxtooyada Soomaaliya
- Culummaa'uddiinka Ahlusunna Waljacaama oo sheegay inay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Xoogagga Dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda
- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam oo ka mamnuucay deegaannada ay gacanta ku hayaan Isticmaalka Tusbaxa
- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya oo ka warbixiyay shirkii Turkey
- Qoys ka koobnaa Hooyo iyo Afar Caruur ah oo ay dhashay oo degmada Buula-burte ugu geeriyooday Biyo sumeysan oo ay cabeen.