Qoys ka koobnaa Hooyo iyo Afar Caruur ah oo ay dhashay oo degmada Buula-burte ugu geeriyooday Biyo sumeysan oo ay cabeen.

Isniin,   24, May, 2010 (HOL)   Wararka laga hellayo Tuulo dhinaca W/qooyi kaga beegan degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan ayaa sheegaya in Shan Ruux oo ka koobnaa Hooyo iyo Afar Caruur ah oo ay dhashay u geeriyoodeen Biyo sida la sheegay loo sumeeyay oo ay cabeen.

Max'ed Fiidow Cawaalle oo Adeer u ahaa Caruurta geeriyootay ayaa u sheegay Warbaahinta  markii uu soo baxay warka ku saabsan in Qoyskaasi sumoobay markiiba ay halkaa gaareen isaga iyo Ciidamo ka tirsan Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee maamusha degmada Buula-burte, isaga oo sheegay in markii ay tageen gurigii Masiibadu ka dhacday kula kulmeen Meydka Shanta Ruux ee la sheegay in ay Biyaha Cabeen.

Waxaa uu intaa ku darray in uu u maleynayo in Qoyskaasi Biyaha dad kale u sumeeyeen isaga oo sheegay markii ay halkaa gaareen isaga iyo Ciidamada Al-shabaab ku arkeen Raadka Qof guriga soo galay, laakiin waxaa uu yiri ma'aysan suurta galin in la hello qofkaas iyo dhinaca uu markii danbe u baxay.

Mar wax laga weydiiyay bal in uu og-yahay cid ay khilaaf kala dhaxeysay Qoyska dhibaatadu ku dhacday waxaa uu sheegay in uusan isagu hadda ka war qabin cid gaar ah oo khilaaf u dhaxeeyay Qoyskaasi, balse waxaa uu sheegay in inta badan khilaafka ka dhax dhaca dadka reer Miiga ah yahay mid joogta ah oo aan dhamaan.

Isbitaalka guud ee degmada Buula-burte ayaa sidoo kale la dhigay Nin sida la sheegay u gurmaday Qoyska inta aysan geeriyoon ka hor kaasoo lafatirkiisa la sheegay in uu cabay Biyaha isaga oo aan ka warqabin, waxaana hadda Caafimaadkiisa la dacaallaya dhaaqatiirta Isbitaalka guud ee degmada Buula-burte.

Waa markii ugu horeysay oo tiro intaa la eg kana kooban hal Qoys u dhintaan Biyo ay cabeen waxaana ay arrintani layaabo iyo amakaag ku riday dadka deegaannkii ay ku noolaayeen Qoyska iyo guud ahaan Goballka Hiiraan oo markii ugu horeysay maqlay warka noocaan oo kale ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya