Ururka xisbul Islaam oo iska fogeeyay eedeyntii ku aadanayd inay iyagu ka dambeeyeen Qaraxyadii ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Talaado 23, Feb 2010 (HOL) Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macallin Cali oo maanta saxafiyiinta kula hadlay xafiiskiisa Muqdisho ayaa sheegay in ururkooda uusan ka dambeyn qaraxyadii ka dhacay suuqa Bakaaraha.

 

Sheekh Maxamed Wuxuu sheegay in ururkooda uusan mas'uul ka ahayn qaraxii ka dhacay Isogyska Baar-Ubax ee Muqdisho, isagoo ku tilmaamay eedeyntii kaga timid Xarrkatul Shabaabul Mujaahidiin inay tahay mid aan laga fiirsan.

 

"Qaraxyadii ka dhacay Suuqa Bakaaraha kama dambeyn ururkeenna, sida ay mas'uuliyiin ka tirsan Xarrakatul Shabaab ka sheegeen saxaafadda, waxaana oran lahaa waxaa ka dambeeyay cadowga Alle" ayuu yiri Xoghayaha warfaafinta ee Ururka Xisbul Islaam.

 

Afhyeenku wuxuu sheegay in ururkooda uu guddi baara u saaray qaraxii ka dhacay wadada soddonka oo ay ku dhinteen saddex qof oo ay sheegtay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin inay ka tirsanaayeen Xisbul Islaam uuna ahaa qarax iyaga loola dan lahaa.

 

"Khilaaf ka dhexjira iyo dagaal aan ka dhex abaabulayn Mujaahidiinta ma jirto, waana been aan jirin, waxaana Mujaahidiintu ay diyaar u yihiin inay isku garabsadaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen cadowga dalka ku sugan" ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin.

Shirka Jaraa'id ee xoghayaha warfaafinta ee Xisbul Islaam ayaa u muuqda mid jawaab u ah hadallo uu Afhayeenka Xarrakatul-shabaab kasii daayay warbaahinta, kuwaasoo uu ku sheegay in Qaraxyadii ka dhacay Bakaaraha bishan oo dhan ay mas'uul ka dambeeyeen xubno ka tirsan Ururka Xisbul Islaam.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya