Shirkadda Isgaarsiinta HORMUUD oo soo bandhigtay Adeeg cusub oo la magac baxay ZAAD (DAAWO SAWIRRO)


Talaado 23, Feb 2010 (HOL) Iyadoo dhawaan Shirkadda Isgaarsiinta HORMUUD TELECOM ay soo bandhigtay adeeg casri ah oo loo bixiyay ZAAD SERVICE oo ah adeeg dabooli kara baahida guud ee bulshada ayna u adeegsan karaan adeegooda gaarka ah iyo keysiga lacagahooda biilasha ah ayaa waxay shirkadu wali ku jirtaa sidii ay shacabka Soomaaliyeed u fahamsiin lahayd faa'iidada uu adeeggan leeyahay.

 

Shirkada ayaa Suxufiyiinta ku dhaqan Muqdisho gaar ahaan kuwa wax qora u qabatay aqoon-korororsi ku aadan Isticmaalka adeegaa ZAAD SERVICE oo ay ku bartay wuxuu yahay adeeggan iyo qaababka loo Isticmaalo ee ugu sahlan.

 


Khabiirro aad u xirfadeysan ayaa kulankaasi ka soo qeyb-galay ayaa waxay si aad ah uga hadleen adeeggan caalamiga ah ee ZAAD Service, iyadoo sharraxay sida ugu habboon ee loo adeegsan karo iyo wuxuu yahay.

 

Eng. Yaasiin Xasan Yuusuf oo la weydiiyay su'aal ahayd waa maxay adeega ZAAD muxuusa u faa'ideyn karaa shacabka Soomaaliyeed...? ayaa kaga jawaabay:

 

"Adeeggan waa mid ay shirkaddu ugu talogashay inay adeegsadaan dadka oo dhan, kan wax haysta iyo midka aan haysan, wuxuuna leeyahay faa'iidooyin badan oo ay ka mid tahay, inuu qofku wax ku iibsan karo, inuu biilasha isaga bixin karo iyo inuu ku keysan karo lacagtii uu jeebka ku wadan lahaa"

 


Sidoo kale C/rashiid Cali Ceynaanshe oo ka mid ah madaxda shirkadda HORMUUD oo soo bandhigtay Adeeggan ayaa isagoo sharraxaad ka bixinaya lacagta lagu shuban karo cadadkeeda wuxuu sheegay inay u dhexeyso 1-Dollar illaa 3,000-Dollar, isagoo sheegay in qofka ay hantidiisu tahay mid ku jirta gacan ammaan ah.

 

ZAAD SERVICE waa adeeg aad wax kaga iibsan karto suuqyada Gobollada dalka oo dhan, isla markaana uu yahay adeeg aan lagaa isticmaali karin, lagana xadi karin hantida kuugu jirta.

 

Barnaamijka ZAAD wuxuu kuu suurogelinayaa:

Inaad lacagtaada ku keydsato

Inaad lacag laguugu soo diri karo

Inaad lacag ugu diri karto qof kale

Inaad lacagta kuugu jirta wax ku iibsan karto

Inaad u badalan karto lacagta kaararka hadalka IWM

 

Shirkadda Isgaarsiinta HORMUUD ayaa adeeggan waxay daraasaddiisa bilowday sannadkii 2006 iyadoo xogihii ay ururisay ay ka dhasheen in la sameeyo adeegan, oo Soomaaliya ay noqonayso dalkii afaraaad oo Afrikaan ah oo laga hirgeliyo.

 


"Adeeggan wuxuu noqon doonaa mustaqbalka mid ku baahan Afrika oo dhan, si ay dadka isticmaala ugu sahlanaato inay lacagta ugu jirta ka isticmaali karaan meel walba oo ay joogaan, waxaana uga sii gudbi doonnaa caalamka" ayuu yiri C/rashiid Cali Caynaanshe oo ka mid ah madaxda Shirkadda HORMUUD oo soo bandhigtay adeeggan casriga ah ee ZAAD.

 

Xaflado lagu maamuusayay adeegan ayaa maalintii Sabtida mar kaliya ka dhacay Gobollada Soomaaliya ee ay ka howlgasho Shirkadda Isgaarsiinta HORUMUUD iyagoo lagu soo bandhigay qaabka ay dadka Soomaaliyeed u adeegsan karaan adeeggan oo ah mid ka hirgalay Puntland iyo Somaliland.

 

Axmed Sheekh Cali Galool oo ka socday SALAAM BANK oo hadal ka jeediyay aqoon-isweydaarsiga loo sameeyay Saxaafadda ee lagu barayay adeegga ZAAD Service ayaa sheegay in adeeggan uusan ahayn Bank, balse uu yahay mid loogu talogalay in dadku ay u Isticmaalaan biilasha maalinlaha ah, caalamka oo dhana uu ka jiro.

 

Ugu dambeyn xubnihii aqoon Isweydaarsiga ka hadlay ayaa sheegay in adeegan looga cunteyn karo maqaayadaha, lagu raaci karo Tagaasida, carwooyinka looga iibsan karo agabka, shaah lagu cabi karo, uuna kaafinayo nolosha maalinlaha ah ee qofka.





 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya