Madaxwayne Faroolle oo ka warbixiyay Safarkii uu ku Maqnaa iyo shaqo badan oo hor taalla Xukuumadiisa

Talaado, February 23, 2010(HOL):  Madaxwaynaha DGPL Dr C/raxmaan Maxamed Max,ud Faroolle oo shalay soo gaaray magaalada Garowe ayaa maanta shir uu qabtay waxa uu kaga warbixiyay safaradii uu ku maqnaa ee dalka dibadiisa.
 
Waxa uu sheegay Madaxwaynaha in la soo dhamistiray heshiisyo qabyo ahaa, kuwaasi oo Puntland ay gashay Xilligii uu talada hayay Madaxwayne Cadde Muuse.
 
Dr C/raxmaan Faroole Madaxwaynaha Puntland ayaa Tilmaamay in waxyaabihii ugu waa waynaa ee uu ku maqnaa ay ka mid ahaayeen in Maamulka laga taageero amaanka ,Dhaqaalaha iyo la dagaalanka Burcad badeed.
 
"Waxaan rajaynaynaa in Muddo gaaban ay ku fulaan heshiisyadii aan soo galnay,kuwaasi oo faa,iido u ah danta guud ee Puntland " ayuu Madaxwaynaha yiri isaga oo ku sugan guriga madaxtooyada ee magaalada Garowe
 
Qodobada horyaala Madaxwaynaha waxaaa ka mid ah in uu la kulmo Odayaal ka soo jeeda gobalka Sanaag Bari ee Puntland, kuwaasi oo horay loogu diray in ay dhameeyaan khilaafaadyo ka jiray meelo ka mid ah gudaha Puntland.
 
Sidoo kale waxaa Madaxwaynaha looga fadhiyaa dhamaynta khilaafaadyo soo kala dhex galay Golaha xukuumada ,taasi oo hada laga dareemayo Magaalada Caasimada u ah Puntland.
 
Ugu Danbayntii Madaxwaynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Faroolle ayaa rajjo wanaagsan ka muujiyay halka ay wax marayaan ,Waxaana dadka Puntland uu ku buuriyay in laga wada shaqeeyo amaanka.
 
Faisel Maxamed Hassan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya