Gaar ahaan waxaa si gaar ah looga dooday arrimo la xiriira faquuqa Haweenka marka ay timaado dhinaca Shaqada, Caruurta la shaqaaleeyo iyaga oo aan gaarin waqtiga qaar-gaarka, Mushaaraadka oo inta badan lagu dhibo dadka shaqaalaha ah, iyo waliba in qofka lagu shaqeeyo saacado ka badan inta lagu heshiiyay.
Waxaa la xusay in faquuqa Haweenka marka ay timaado shaqada dalka Soomaaliya uu yahay kan ugu badan ee muujinaya sida aan loogu ogoleyn Haweenku in ay qabtaan howlaha ay hayeen Ragga xili waliba laga yaabo in ay jiraan Haween badan oo kaga aqoon badan Ragga howlaha ay ku dhaxjiraan sida in qof Haween ah madax looga dhiggo Shirkad iyo wixii la mid ah, laakiin taa badalkeeda laga shaqaaleysiiyo qeybaha ugu hooseeya sida nadiifiye oo kale.
Inkastoo waqtigan marka la eego dalka Soomaaliya yihiin kuwa ugu badan ee nolasha qoysku ku tiirsan tahay ayaa haddana waxaan meesha ka marneyn in ay jiraan Haween badan oo dhibaato ka muta howlaha ay hayaan sida tixgalin la'aan iyo mar marka qaar xad-gudub loo geysto.
Intii uu socday Siminaarka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay Su'aal la xiriirta sababta inta badan Warbaahintu uga hadlin arrimaha ku saabsan Xaquuqda Shaqada halka inta badan warbaahintu ku mashquulsan tahay ka hadalka arrimaha la xiriira Siyaasada oo waqtiga intiisa badan lagu lumiyo.
Waxaana taa lagu macneeyay in ay sabab u tahay Aqoon-darro heysta dadka ka shaqeeya Warbaahinta iyo shacabka oo aan ku baraarugsaneyn muhiimada ay leedahay in xog leyska weydaarsado dhibaatooyinka heysta dadka shaqaalaha ah, inkastoo aan meesha laga saarin haddana in Warbaahinta maanta dalka Soomaaliya ka jirta tahay mid Ganacsi ah oo ay leeyihiin shaqsiyaad gaar ah.
Burburkii ka dhacay dalka Soomaaliya iyo shaqo la'aanta xadkeedii dhaaftay ayaa waxaa ay sababtay in ay soo baxaan Haween siyaabo kala duwan u maareeya nolashooda iyo tan Qoyska intaba, waxaana taa ka dhashay in Haween badan qabtaan shaqooyin xadkoodii dhaafay balse laga siiyo qiimo aan u qalmin, sida Dhaqida Dharka, Tumista Badarka ama Haruurka iyo Dhaaminta Biyaha xili dadka ay shaqooyinkaa u hayaan aysan ka taxatirin xuquuqda uu ku leeyahay qofkan u shaqeynaya.
Siminaarka oo socon doono muddo Afar Cisho ah ayaa dhamaatii waxaa lagu eeegi doonaan sida dadku ilaaliyo Xaquuqda qofka Shaqaalaha ah gaar ahaan dalka Soomaaliya oo la sheegay in uu ka mid yahay dalalka ugu badan ee Xadgudubyadu ka jiraan, walow haddna ay jiraan dalal badan oo ka Caalamka ka mid ah oo ay ka dhacaan dhibaatooyin la mid ah tan ka jirta dalka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online