Talaado, 23 February 2010 (HOL)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa, ka dib markii uu socdaal qaatay muddo 3 bilood ku dhaw ku marayay dalal kala duwan oo Qaaradda Yurub ah.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo ay soo-dhawayntiisa ka qayb-galeen masuuliyiinta sare ee labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE oo ay horkacayeen Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku-simaha Guddoomiyaha UCID, ahna guddoomiye-xigeenka Aadan Maxamed Mire (Waqaf), ayaa xalay u hoyday magaalada Berbera, halkaas oo uu shalay ka soo degay, isla markaana saaka ka soo amba-baxay.
Dadweyne iyo gaadiid aad u tiro badan ayaa ka qayb-galay soo-dhawaynta Guddoomiyaha UCID.
Faysal Cali Waraabe oo loo gelbiyay dhinaca xarunta dhexe ee Xisbigooda oo ay dadweyne aad u tiro badani diyaar ugu ahaayeen, ayaa halkaa kala hadlay dadweynihii isugu-soo-baxay soo-dhawayntiisa. Waxaanu sheegay in uu socdaal ku soo maray in ka badan 8 Dal oo ka tirsan Qaaradda Yurub, kuwaas oo uu sheegay in uu kala hadlay qaddiyadda Somaliland. “Walaalayaal waxaanu soo marnay ilaa 8 Dal oo Dawladahoodu diyaar u yihiin inay xidhiidh iyo iskaashi la yeeshaan Somaliland, waxaananu kala hadalnay Qaddiyadda Somaliland.” ayuu yidhi Eng. Faysal.
Guddoomiyaha UCID wuxuu Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay inay ka gaabisay xidhiidhada dawladaha Yurub iyo guud ahaanba Caalamka, waxaanu sheegay in uu hadheeyay musuq-maasuq keenay in aan la daboolin baahiyaha Bulshada ee ay ugu horrayso adeegyada Biyaha iyo Caafimaadka.
Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE oo isna hoggaanka u sareeyaa ka qayb galeen soo-dhawaynta Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in ku faraxsan yihiin soo-laabashada Guddoomiyaha UCID.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland