Talaado 23, Feb 2010 (HOL) Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. C/llaahi Sheekh Cali ayaa eedeyn u soo jeediyay Hay'adda UNDP oo dhanka horumarinta mashaariicda u qaabilsan Qarammada Midoobay.
Gen. C/llaahi ayaa ku eedeeyay hay'addan inay waddo qorshayaal ay ku burburinayso Dowladda Soomaaliya ayna dhisayso maamul goboleedyo aan haysan wax aqoonsi ah.
"UNDP waxba kama qabato mashaariicda u dagsan Dowladda, marka laga reebo inay bixiso mushaaraadka ciidamada booliiska Qaarkood, waxaana ay diiday inay wax ka qabto xabsiyda burbursan ee dalka, iyadoo dhisaysa xabsiyada maamul goboleedyo aan wax aqoonsi ah haysan" ayuu yiri taliyaha ciidanka Asluubta.
Taliyuhu wuxuu dalbaday in dalka laga saaro haya'dda UNPD, maadaama aysan doonayn in wax harumar ay sameyso dowladda Soomaaliya, wuxuuna hadalladan jeediyay isagoo ka hadlayay sannadguuradii 40-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay.
Gen. C/llaahi Sheekh Cali ayaa sidoo kale ku eedeeyay Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed inaysan daryeelin ciidanka Asluubta, isagoo tusaale u soo qaatay in markii ay xukuumaddii hore jirtay ay ciidamadu ahaayeen 5,000-askari, balse ay haatan yihiin 830-askari oo keliya.
Dhanka kale, wuxuu ka dayriyay xabsiyada dalka oo aan haysan wax dayactir ah iyo maxaabiista ku jirta oo aan haysan wax daryeel ah, wuxuuna Dowladda ku eedeeyay inay iska-dhegoy tirtay qaylodhaanno uu horay ugu jeediyay.
Wasiirka Caddaaladda oo wareysi siiyay BBC-da maanta ayaa sheegay in xabsiyadu ay yihiin kuwo aan dayactirnayn, balse wuxuu sheegay in Maxaabiistu ay helaan daryeel sidoo kalena ay ciidamada Asluubtu yihiin kuwo ay dowladdu ka warhayso.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya