Jimco, December 03, 2010(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa galabta soo kormeeray goobo ay dhowaantan la wareegeen ciidamada Dowladda oo ay kaabayaan kuwa Nabad illaalinta ee midowga Afrika (AMISOM), waxaana kormeerkiisan ku wehliyay bahda Saxaafadda gudaha iyo dibadda.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu horeyntii tegay fariisimo cusub oo ay ciidamada Dowladdu ka sameysteen degmada Boondheere oo ay labadii maalmood ee ugu dambeeyey dagaalo ku dhex marayeen ciidamada Dowladda iyo kooxaha Nabadiidka ah ee Al shabaab.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa halkaasi kula kulmay G/sare Ibraahim Yarow oo ah taliyaha ciidanka Dowladda aaga Boondheere iyo guddoomiyaha Degmada Boondheere Cabdullaahi Xirsi Wardheere (Istakiin) sidoo kale waxaa halkaasi ku sugnaa saraakiisha ciidamada AMISOM ee iyaguna halkaasi fariisinka ku leh isagoo kula dardaarmay inay sii wadaan dedaalkooda ku aadan difaaca dalka iyo dadka, wuxuuna si gaar ah uga mahadceliyay adkeysiga ay ka sameeyeen dagaalada ay kagala horjeedaan kooxaha nabadda diidan ee kaashanaya dambiilayaasha Ajnabiga ah ee Al qaacida.

“Aadbaan ugu faraxsanahay inaan idin soo kormeero galabta waxaana idinku boorinayaa inaad dedaalkiina sii wadaan oo aadan ka daalin tan iyo inta dalka oo dhan dowladda gacanta kaga dhigeyso loogana sifeynayo caddowga” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Farmaajo oo intaasi ku daray in weli ku boorinayaan kooxahaasi Nabadda diidan inay nabadda qaataan oo ay hubka iska dhigaan.
Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku soo wareejiyay qeybo ka tirsan goobaha ay ku sugan yihiin isagoo indhihiisa ku soo arkay fariisimada ciidamada dowladda iyo kuwa Nabad illaalinta ee AMISOM.
Ma ahan Markii ugu horeysay ee uu kormeer ku tego Ra’iisal Wasaaruhu goobaha fariisimada u ah ciidamada Dowladda labo todobaad ka horna booqasho ku tegay fariisimaha ciidanka ee kala ah Xalane, Jaziira, Xoosh iyo Villa Baydhabo.
Xafiiska Warfaafinta Soomaaliya
[email protected]