Qarax ka dhacay gaari ay wateen Booliska dalka Kenya oo ku sugnaa xaafadda Islii

Jimco, December 3, 2010 (HOL) - Abaarihii 8:00 aroornimo ee saaka ayaa gaari ay saarnaayeen ciidanka boolika ee dalka Kenya waxaa ka dhacay qarax, waxaan halkaas ku dhintay hal askari qaar kalana way ku dhaawacmeen. Qaraxaan ayaa ka dhacay qaybta loo yaqaano 'Section Three' ee xaafadda Islii (Eastleigh).

Madaxa qaybta booliska ee halka uu qaraxa ka dhacay Kinuthia Mbugua ayaa xaqiijiyey dhimashada askariga oo lagu sheegay in uu ahaa wadihii gaariga.

Qaraxaan ayay  wararka qaar sheegayaan in qof aanan la aqoonin uu ka dambeeyay kaasi oo sida wararka qaarkood sheegayaan  ku soo tuuray bambo gaariga ay saarnaayeen booliska, halka warar kalana ay sheegayaan in bambada ay ka fakatay ciidanka booliska.

Booliska Kenya ayaa bilaabay baaritaan ay ku ogaanayaa wixii meesha ka dhacay. Gaarigii qarxay ayaa wali yaala goobtii uu qarax ka dhacay.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool xaafadda Islii ayaa ka cabsi-qaba in qarxaan maanta dhacay uu dhibaato u soo jiidi doono iyadoo laga yaabo in ciidamo badan lagu soo daadiyo xaafadda Islii halkaasna ku xirxiraan dad badan oo isugu jira wax sharci leh iyo kuwa aanan sharci lahayn.

Wixii warar ah ee arrintan ku soo kordha waan idiin soo gudbin doonnaa Insha Allaah..

Xafiiska wararka ee Hiiraan Online