Jimco, December 03, 2010 (HOL) – Dowladda Burundi, ayaa xaqiijinsay inay 850-askari oo dheeraad ah ay u dirtay dalka Soomaaliya toddobaadkii lasoodhaafay, si ay u xoojiso cidammada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.
Cciidammada dheeraadka ah, ayaa waxay ka dhigayaan tirada AMISOM 8,000-askari, kuwaasoo gacan ka siiya dowladda Soomaaliya weerarrada kag imaanaya xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira.
Saraakiil ka tirsan ciidammada Burundi iyo saraakiisha AMISOM ee ku sugan Muqdisho, ayaa xaqiijiyay in ciidammo dheeraad ah ay gaareen Muqdisho, iyadoo Maj. Ba-huko oo ah afhayeenka ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho, in ciidammadaas ay qayb ka yihiin howlgallada ciidammadooda.
Dalka Burundi ayaa ka mid ah labada dal ee Afrika ka tirsan ee ku yaboohay AMISOM, iyadoo dowladda Uganda, oo ah tan ku deeqday ciidanka ugu badan, ay sheegtay inay u dirayso Soomaaliya 20,000-askari oo cusub, balse ay u baahan tahay in laga kaalmeeyo dhinaca dhaqaalaha.
Afhayeenka AMISOM, wuxuu sheegay in ciidammo kale oo dhaaraad ah lagu wado inay soo gaaraan dhawaanahan Muqdisho, si ay u xoojiyaan ciidanka Midowga Afrika oo uu sheegay inay dagaalo adag kula jiraan xoogagga islaamiyiinta ah ee Soomaaliya.
Colaadaha, ka taagan dalka Soomaaliya ayaa waxay madaxa la galeen sannadkii 20-aad, kuwaasoo soo bilowday markii xukunka laga tuuray dowladdii dhexe ee uu hoggaaminayay Jen. Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1991-kii.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya