Ciidammada AMISOM oo sheegay inay la wareegeen goobo cusub oo ay horay ugu sugnaayeen xoogagga hubeysan

Jimco, December 03, 2010 (HOL) – Ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda oo is-garabsanaya, ayaa la wareegeen goobo cusub oo degmooyinka Shibbis iyo Boondheere oo madaxtooyada Soomaaliya ka xiga dhinaca Waqooyi-bari ka tirsan, kaddib dagaallo xooggan oo labadii maalmood ee ugu dambeysay socday, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay ciidammada Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho.

Warsaxaafadeedka, ayaa lagu sheegay in dhismayaasha la qabsaday ay ka mid tahay wasaaraddii hore ee arrimaha gudaha iyo dhismayaal ku dhowdhow, kuwaasoo ay haatan gacanta ku hayaan ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda.

"Howlgalkii lagu qabsaday goobaha aan la wareegay, waxay ahaayeen kuwo lagu guuleystay.Waana sii-wadaynaa inta aan ka xaqiijinayno amaanka dowladda Soomaaliya," ayuu yiri Col. Micheal Ondoga, oo ah taliyaha ciidammada lugta ee AMISOM.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tiro ka tirsan xoogagga Xarrakatul Shabaab lagu dilay dagaalka, ayna ciidamnka AMISOM kasoo gaartay dhaawacyada shan askari. Waxaana sidoo kale warsaxaafadeedka lagu sheegay in maydadka shan qof oo ka mid ahaa dagaalayahannada Xarrakatul Shabaab lagu arkay goobta, tiro kale oo dhaawac iyo dhimasho isugu jirtana la rumeysan yahay inay qaateen.

Hadalka kasoo baxay, ciidammada AMISOM ayaanay ka jawaabin Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ah kooxda ugu awoodda badan kooxaha dagaalka kula jira AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.

"Dowladda Soomaaliya, waxay u baahan tahay inay hesho fursado ay ku shaqeyso, waayo maalin walba in la dagaalamo ma ahan mid ay ku shaqeyn karto dowladda, dagaalkana waa qorshe loogu talogalay in lagu nabadeedyo goobaha ay dowladdu ku shaqeyso," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Taliska ciidammada AMISOM, ayaa bishii September ee sannadkan, sheegay inay gacanta ku hayaan illaa 45% magaalada Muqdisho, ayna ka qabsadeen xoogagga hubeysan goobo muhim ah oo caasimadda ka tirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya