Saraakiisha AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab oo ka warbixiyay dagaallo ku dhexmaray Magaalada Muqdisho

Jimco, December 03, 2010 (HOL) – Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Xarrakatul shabaablu Mujaahidiin, ayaa ka warbixiyay dagaallo culus oo ku dhexmaray Muqdisho shalay oo Khamiis ahayd, waxaana labada dhinac ay kala sheegteen guulo.

"Dagaalladaas, waxay ahaayeen kuwo aan kaga hortagnay ciidammada AMISOM oo isku dayay inay goobo cusub la wareegaan, waxaana dagaalka kaga dilnay askar badan, gaari dagaalna waan kaga gubnay," ayuu yiri afhayeenka ciidammada ee Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab, ayaa intaas ku daray inay sidoo kale weerarro qorsheyan ku qaadeen ciidammada AMISOM oo xirtay jidka warshadaha, ayna ku guuleysteen inay dib u furaan jidka, ayna dagaalkaas ku dileen askar badan, inkastoo uu ka gaabsaday inuu ka hadlo khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalladaas.

Dagaalladan oo ahaa kuwo culus, ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 10-qof oo shacab ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ku dhow 20-qof oo kale, kuwaasoo ay dagaalka ay kula dhaceen degmooyin ka fog kula lagu dagaalamay.

Afhayeenka AMISOM Maj. Brighye Ba-huko, oo isaguna ka hadlay dagaalladaas ayaa sheegay inay ku qabsadeen fariisimo ay horay ugu sugnaayeen xoogagga Xarrakatul Shabaab, ayna ku dileen tiro ka mid ah dagaalyahannadooda.

"Waxaan kuu sheegi karo, waa inaan ku guuleysannay inaan la wareegno dhismayaal ay kaga sugnaayeen ciidammada Xarrakatul Shabaab degmooyinka Shibbis iyo Boondheere, oo dhinaca waqooyi ee Muqdisho ku yaalla, waxaana aragnay dhimashada shan ka mid ah kooxaha dagaalka aan la galnay, oo weli meesha yaalla," ayuu yiri afhayeenka AMISOM.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in dagaalka uu soconaya inta ay la wareegayaan guud ahaan goobaha ay Muqdisho kaga sugan yihiin Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam, isagoo xusay inay ciidammo dheeraad ah kusoo biireen ciidankooda ku sugan Muqdisho.

Inkastoo saakay, ay xaaladdu aad uga duwan tahay shalay ayaa haddana la maqlayaa hub culus oo ku dhacaya goobo ka tirsan degmada Hodan, kuwaasoo laga tuurayo saldhigyada AMISOM, waxaana sidoo kale laga maqlayaa xaafadda Barmuuda ee degmadaas rasaas ay dhinacyadu isdhaafsanayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya