
Jimco, December 03, 2010(HOL): Arday kor u dhaafaysay ilaa 1000 ayaa sanadkan ka qalanjebisey jamacada weyn ee caanka ah oo ku taala magaalada London ee Westminster University, iyadoo jaamacaddan weliba ay wax ka bartaan arday dalalka kale oo caalamka isaga kala yimaada.
Haddaba waxaa Ardaydani qalanjebisay ay isugujireen kuliyado badan inakastoo ay u badnaayeen kulliyada saxaafadda, waxaana xusid mudan in uu ka dhex muuqday wariye Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo ka kamid ah Suxufiyiinta Somaliyeed isla markaana ka maid ah wariyaasha Universal Tv oo isna sanadkan ka qalanjebiyey jaamacaddan.
Arintani waxa ay ku soo beegmaysaa iyadoo maanta oo taariikhdu ay ku beegantahay 3 December oo ah maalintii arday sidan oo kale u qalanjebisey oo xafaladooda dhexjoogay lagu laayey iyagoo doonayey iney farxad la qeybsadaan waalidiintooda iyo asxaabtooda laakiin ardada qurba joogta Soomaaliyeed ee jaamacadaha dhameeya ayaa aad uga walwalaan marka ay xasuustaan dhacdadii Shamo Hotel ee sanadkii lasoo dhaafay.



Halkan ka daawo Xafladda Qalin-jebinta oo Muuqaal ah
Ibrahim Omar Baafo
[email protected]
Hiiraan Online, London