Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo HOL uga warramay Nin Jarmal ah oo falal dhaqan-xumo ah geystay


Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar
Axad, 19 December 2010 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Dawladda Jarmalku ay xidhiidh kala soo samaysay muwaadin u dhashay dalkaas oo falal dhaqan-xumo ugu xidhan Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar oo u waramay Wakiilka Somaliland ee HOL, ayaa sheegay in dawladda Jarmalku ay kala soo xidhiidhay Mr. Guntar Bishchoss oo u dhashay dalkaas, kaas oo muddooyinkii u dambeeyay ku xidhnaa Somaliland, isla markaana loo haysto falal ka dhan ah anshaxa suubban. Waxaanu sheegay inay Xukuumad ahaan u sheegeen in loo haysto falal uu geystay. “Waxaanu u sheegnay in arrintaa Maxkamadi ka socoto, wixii ay go’aamisana la raacayo,” ayuu yidhi Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay in Safaaradda Jarmalka ee dalka Itoobiya ay soo faro-gelisay dacwadda ku oogan ninkan iyo in kale.

Wasiirka oo aanu wax ka waydiinay wada-hadal ay xukuumaddu la yeelatay Wefti ka socda dawlad-gobolleedka IGAD oo uu hoggaaminayay xoghayaha guud ee Urur-gobolleedkaas Maxbuub Macallin, wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Waa markii u horraysay ee Wefti ka socda IGAD oo heerkani uu yimaaddo Somaliland..waxyaabaha aanu ka wada-hadalnayna waxa ka mid ah waxyaabaha ay u yimaadeen ee ah inay la wareegaan oo ay maal-geliyaan Dugsiga Xannaanada Xoolaha ee Sheekh.”

Mar aanu wasiirka wax ka waydiinay xidhiidhka xukuumaddooda ee dalalka mandaqadda Geeska Afrika, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Dawladaha Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya waxay ka mid yihiin dawladaha aanu xidhiidhka wacan la leenahay, tusaale ahaan, Jabuuti oo kale waxaanu u magacownay Wakiil noo jooga, iyaguna waxay noo sheegeen in ay ku mashquulsan yihiin sidii ay Wakiil ugu soo magacaabi lahaayeen Somaliland.”

Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.