Axad, 19 December, 2010 (HOL) − Madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki, ayaa baqdin ka qaba in dowladda Mareykanku uu ku dilo duqeyn diyaaradeed oo ay u geystaan gurigiisa, sida laga soo xigtay shabakadda Wikileaks, oo soo bandhigtay qoraal uu hogay u sameeyay safiirkii Mareykanka ee dalka Eritrea.
Warbixin sireedkan, oo WikiLeaks uu shaaciyay bishan 15-keedii, ayaa lagu sheegay in safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Eritrea Ronald MacMullen, uu ku sheegay in xitaa Afewerki, uu rumeysan yahay in ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu isku dayay inuu dilo 14-sano ka hor.
"Isaisa, wuxuu ku fikirayaa in Mareykanka uu isku dayo inuu ku dilo duqeyn cirka ah, isagoo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla magaalada Massawa," ayaa lagu sheegay warbixinta, iyadoo lasoo xiganayo saraakiil ka tisran Qarammada Midoobay.
Eritrea, ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay dal uu ka jiro xukun adag, waxayna dagaallo xuduudeed kula jiraan dalalka Itoobiya iyo Jabuuti oo daris la ah, iyadoo ay kaga dhinteen dagaalladaas askar badan.
Hay'adaha xuquuqda Aadanaha iyo saadaaliyeyaal, ayaa ku eedeeya hoggaamiyaha Eritrea, inuu yahay mas'uul dhibaateyn ku haya shacabka dalkiisa, kuwaasoo isugu jira xabsiyeyn iyo jirdil.
Qarammada Midoobay, ayaa sannadkii lasoo dhaafay cunnoqabteyn saartay dalka Eritrea, kaddib markii lagu eedeeyay inay hub iyo dhaqaale ku taageertay kooxaha ka dagaalama dalka Soomaaliya, balse eedeyntaas way diidday.
Warbixintan uu soo bandhigay WikiLeaks, ayaa muujinaysa in Afewerki uu rumeysan yahay in ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles, uu sannadkii 1996-kii isku dayay inuu dilo, xilligaasoo labadan mas'uul ay ahaayeen saxiibbo, balse uu muran xuduudeed soo dhexgalay sannadkii 1998-kii.
McMullen, ayaa warbixintan ku sheegay in Afewerki ay cabsidu gashay, markii 1996-dii uu dab-qabsaday diyaarad uu la socday ayna la saarnaayeen qoyskiisa iyo ilaaladiisa, taasoo ka duushay garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa.
"Isaisa, waxay baqdintu ku dhalatay, markii diyaaraddii uu la socday oo hawada maraysa uu dab ka kacay, balse lagu guuleystay inay si nabad ah ugu soo laabato Addis Ababa," ayaa lagu yiri warbixintan lasoo bandhigay.
Mid ka mid ahaa dadkii xilligaas diyaaradda saarnaa, ayaa laga soo xigtay in Isaisa uu markiiba ku eedeeyay Meles, inuu isku dayay inuu dilo isaga iyo qoyskiisa, wixii xilligaas ka dambeeyayna xiriirka labada mas'uul ayaa hoos u dhacay.
Afhayeen xilligaas u hadlay Itoobiya Shimeles Kemal, ayaa beeniyay hadalka Afewerki, isagoo xusay inaysan jirin isku day uu ku doonayay ra'iisul wasaare Meles inuu ku dilo hoggaamiyaha Eritrea Isaisa.
"Waa ku-tiri-ku-teen, aan sal iyo raad lahayn. Ma doonayno inaan ka jawaabo warbixin gacantii labaad ku jirta, taasoo ka timid ilo aan lagu kalsoonaan karin," ayuu Kemal u sheegay warbaahinta.
Dowladda Eritrea, ayaa ahayd qayb ka mid ah Itoobiya muddo dheer, iyadoo 30-sano oo dagaallo ah kaddib heshay madaxbannaanideeda, waxaana labada waddan ay ku dagaalamayeen 1998-kii illaa 2000 muran ka dhashay xuduudda u dhexeysa, waxaana dagaalladaas ku dhintay 70,000-qof.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya