Maamulka Xarrakada Al-shabaab oo Beledweyne ka mamnuucay ka ganacsiga iyo isticmaalka Sigaarka

Axad, 19 December, 2010 (HOL)  Maalmintii shalay galinkii dambe ayaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa gaari lagu soo xiray cod baahiye dadka loogu sheegay in la jooojiyay ka ganacsiga iyo isticmaalka Sigaarka iyo Tubaakada.

Maamulka Xarrakada Al-shabaab ee magaalada Beleweyne ayaa marka ka soo baxay ku saleeyay in la gaaray waqtigii loo qabtay ganacasatadu in ay ku soo afjaraan ka ganacsiga Sigaarka iyo Tubakada sidaa daraadeed cidii lagu arko la horkeeni doono shareecada Islaam-ka.

Talaabada ay qaadeen maamulka Xarrakada Al-shabaab ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay dadka ku dhaqan magaalada oo qaarkood kuu sheegaya in mar hore loo baahnaa in la joojiyo Sigaarka oo ah maandooriye dadku dhibaato gaar ah ku qabay, halka qaar kalana leeyihiin kaliya waxaa habooneed in lagu cabo goobaha dadku ku badan yahay laakiin aan ganacsi ahaa loo mamnuucin.

Sikastaba ha ahaatee amarka ka soo baxay maamulka Xarrakada Al-shabaab ee magaalada Beledweyne ayaan saameyn ku yeelan qaadka oo si toos ah loo keeno goballka, walow maamulku horay u sheegay in qaadka lagu iibo meel magaalada ka baxsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya