Axad, 19 December, 2010 (HOL) − Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay kulana ay caasimadda dalkaas ku yeesheen aqoonyahanno Soomaaliyeed, ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya Soomaaliya inay joojiyaan dagaallada oo ayna ku badalaan wadahadallo ay ku dhameynayaan khilaafka.
"Dhibaatada ka jirta Soomaaliya, waa mid damiiriyan saameyn nagu leh, waxaana ugu baaqi lahaa dhinacyada isku haya dalka inay shacabka ka joojiyaan xabadda, ayna furaan wadahadallo ay colaadda kusoo afjarayaan," ayuu yiri Mr. Geelle.
Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti, wuxuu sheegay in shacabkii Soomaaliyeed ay qaarkood dalka isaga carareen ayna qoxooti ku yihiin dalalka dariska ah, markii ay colaaduhu joogsan waayay, kuwii dalka ku harsanaana ay dhibaatooyin kala duwan la kulmayaan maalin walba.
"Waxaan, dareen ahaan la xanuunsanaynaa dadka ku harsan Muqdisho ee ay maalin walba dilayaan madaafiicda aan loo meel-dayin, waxaanse ku talin lahaa in xabadda la joojiyo, shacabkana loo turo," ayuu yiri Geelle oo si qoto dheer uga hadlay xaalka dalka Soomaaliya.
Geelle, wuxuu sheegay in looga baahan yahay Soomaalida fikiraysa, inay guntiga u xirtaan sidii dalkooda u badbaadin lahaayeen, loona dhisi lahaa dowlad ay qayb ka noqdaan xoogagga hubeysan ee dagaalamaya, taasoo uu sheegay inay xal u noqon karto daminta colaaddda Soomaaliya.
"Ma walba, waxaan ku dareennahay shacabka Soomaalida, ee gudaha iyo dibadda dalka ku sugan, waana la jirnaa, waxaan la qaybsanaynaa dareenka, kama tegi doonno abdikeen," ayuu yiri madaxweynaha dalka Jabuuti Geelle.
Dalka Jabuuti, ayaa wuxuu tan iyo markii ay burburtay Soomaaliya dadaal ugu jiray sidii dalka loo dajin lahaa, waxaana dhowr jeer lagu qabtay shirar dowlado loogu soo dhisay dalka Soomaaliya, iyadoo shirkii ugu dambeeyay lagu soo dhisay DKMG ah ee hadda talada dalka haysa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya