Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Saraakiil la socota oo maanta booqday Naafada Isbitaalka Martiini

Axmed, 19 December, 2010 (HOL) – Xubno uu horkacayo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi, oo ay ku jiraan saraakiil ciidan iyo xubno xukuumadda ka tirsan ayaa maanta booqasho ku tagay isbitaalka Martiini oo ay ku jiraan ciidanka naafada xoogga dalka.

Booqashadan, ayaa waxaa ku wehliyay wasiirka: Wasiir u dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha marwo Sahro Maxamed Cali Samatar, taliyaha ciidammada milateriga Soomaaliya Gen. Axmed Geeddi Jimcaale iyo taliyah ciidammada badda Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare).

 “Maanta, waxaa farxad weyn inoo ah inuu nasoo booqdo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya. Annaga waxaan ku naafownay difaaca dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed, illaa hadda difaacii ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri afhayeen ciidanka naafadda Cabdi Mahad Cali.

Afhayeenku, wuxuu sheegay in tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhex ee Soomaaliya ay isbitaalka daganaayeen, ayna dhibaatooyin kala duwan la kulmeen, isagoo sheegay in dowladda cusub ay ka codsanayaan inay gacan siiyo.

“Halkaan, waxaa nooga dhigay askar badan oo naafo ahayd, waa nalagu duqeeyay, dhibaatooyin kalena waa naloogu geystay, balse kama aanan tegin Isbitaalka, waayo waanu ogeyn inuu yahay hanta Qaranku leeyahay, oo badbaadin u baahan,” ayuu yiri Cabdi Mahad.

Taliyaha ciidammada Milateriga Gen. Geeddi, oo isaguna goobta ka hadlay ayaa yiri: “Waxaad tihiin ciidammo u naafoobay difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda, maantana waan idin kaga mahadcleinayaa, waxaana idiin ballanqaadaynaa in dib u eegis lagu sameyn doono xaaladiinna.”

Wasiirka gaashaandhigga C/xakiim Fiqi, oo ugu dambeyn ciidammada la hadlay, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la socoto xaalkiinna ayna gacan idin siinayso, isagoo sheegay inaan meesha laga saarin dowladda lafteedu ay dhaqaale yari haysato, ayna tahay mid doonaysa inay isbadal ka sameyso dalka.

“Farxad weyn ayay ii tahay inaan fursad u helo maanta inaan halkan idinku soo booqdo, waayo waxaa tihiin dadkii u soo halgamay calanka iyo badbaadinta dalka iyo dadka, waxaadna mudan tihiin inaan idin kaga mahadceliyo, waxaana ballanqaadayaa in dib u eegis lagu sameyn doono xaaladihiina kala duwan,” ayuu yiri Fiqi.

Isbitaalka Martiini, oo ahaa isbitaal la dhisay xilliyadii gumeysiga, ayaa waxaa ka muuqday burbur xooggan, waxaana qayb ka mid ah sannadkan dayactirtay xukuumaddii hore ee iscasishay, wuxuuna weli hoy u yahay ciidammadii naafada xoogga dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya