Axad, 19 December, 2010 (HOL) − Maamulkii ururka Xisbul Islaam ee gobolka Gedo, ayaa shaaca ka qaaday Sabtidii shalay inay si rasmi ah ugu mid noqdeen Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, iyadoo Sheekh Farxaan Cabdi Ciil-mooge, oo ahaa madaxii maamulkaas uu hadalkan ka sheegay xaflad ka dhacday degmada Luuq.
"Ururka Xisbul Islaam waa mujaahidiin, Xarrakatul Shabaab iyaguna waa mujaahidiin, waxaana go'aan ku gaarnay inaan u tanaasulno walaalaha, aana ka mid noqono, si aan isugu bahaysanno dagaallada lagula jiro cadowga," ayaa ka mid ahaa erayadii uu Sheekh Ciil-mooge ka sheegay xafladda.
Sarkaal ka tisran Xarrakatul Shabaab oo isaguna ka hadlay xafladda, ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid soo dhaweyn mudan, wuxuuna maamullada kale ee Xisbul Islaam ugu baaqay inay tallaabadaas oo kale qaatan.
Degmada Luuq, oo ahayd degmadii keliya ee Xisbul Islaam ay ka maamulayeen gobolka Gedo, ayaa waxay si toos ah uga mid noqotay degmooyinka ay maamulaan Xarrakatul Shabaab.
Sheekh Ciil-mooge, ayaa sheegay in tanaasulka ay sameeyeen markii ay ogaadeen in loo baahan yahay in loo midoobo dhinacyada ay dagaallada kula jiraan, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo colaadda ka dhex-taagan Xisbiga iyo Xarrakatul Shabaab, taasoo sababtay khasaare badan.
Tallaabada ay qaateen, maamulkii Xisbul Islaam ee gobolka Gedo, ayaa waxaa lagu tilmaamay inay tahay mid dhabarka ka jabisay awooddii ururkan uu ku lahaa gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya.
Xarrakatul Shabaab, ayaa horraantii bishan dagaal kula wareegtay degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay, oo ka mid ahayd degmooyinkii uu ka talin jiray Xisbul Islaam, iyadoo xubno maamulkaas ka tirsan ay ka mid noqdeen Xarrakatul Shabaab.
Ururka Xisbul Islaam, ayaa horay looga qabsaday gobollada Jubbooyinka iyo gobolka Hiiraan, halkaasoo ay haatan ka taliso Xarrakatul Shabaab, iyadoo horay maamullo ka jiray gobolka Bakool ay uga mid noqdeen Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya