Max'ed Weheliye Odawaa:- waan ka warqabnaa in ay Maagalada Beledweyne iska dhax joogaan shaqsiyaad ka tirsan dhinacyada dagaallka nagula jira.......

Khamiis, 29, April, 2010 (HOL) Madaxa Warfaafinta Maamulka Xisbul islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne ayaa shir Saxaafada loo talagalay ka sheegay in ay ka warhayaan sida uu hadalka u dhigay shaqsiyaad ka tirsanaa dhinacyadii la dagaallamay oo hadda ku sugan Magaalada sidaa daraadeed aan loo dulqaadan doonin haddii aysan fasax uga hellin Maamulka Magaalada gacanta ku haya.

Shiikh Max'ed Weheliye Odawaa waxaa uu intaa sii raaciyay in dhawaan Maamulkoodu cafis guud u fidiyay dhamaan shaqsiyaadkii horey uga tirsanaa dhinacyada dagaallka kula jirra laakiin taasi macnaheedu aheyn in shaqsigu magaalada iska soo gallo isaga oo aan laga warqabin, waxaana uu intaa sii raaciyay in haddii uu qofka ka cabsanayo dhibaato uga timaada dhinaca Ciidamada Maamulka uu horay u soo wato Odayaasha Goballka si loo ogaado ayuu yiri.

''Ciidamada Maamulku talaabo buuxda ayeey ka qaadi doonaan shaqsi kasta oo ka tirsanaa kooxahii la dagaallamay haddii uusan soo ogeysiin Maamulka in uu ka soo laabtay kooxihii uu la safnaa islamarkaana uusan cafis weydiisan Maamulka ayuu yiri Max'ed Weheliye oo intaa sii daba dhigay in horay arritaa ay uga balameen Odayaasha Goballka.

Hadalka ka soo yeeray Mas'uulka u hadllay Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Magaalada Beledweyn ayaa ku soo beegmaya xili bilihii ugu danbeeyay siweyn looga dareemay guud ahaan Goballka gaar ahaan Magaalada Beledweyn Nabad-galyo buuxda islamarkaana dadku bilaabeen in ay dib u soo guryo noqdaan, laakiin dadka sida weyn ula socda arrimaha Siyaasada ayaa sheegaya in hadallada noocan oo kale ah dhalin karaa shaki iyo cabsi soo food saarta dad badan oo hadda si Nabad-gallyo ah Magaalada u joogay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]