Khamiis, April 29, 2010 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Wargeyska Asharqalawsat ee kasoo baxa Magaalada London ee dalka Britain ayaa sheegay in khilaafka Baarlamaanka uu yahay mid salka ku haya mushaar
la'aan haysata Xildhibaannada.
"Xildhibaannada Baarlamaanka waxaa haysata dhaqaale la'aan aad u daran, mana helin mushaaraadkooda muddo 10-bilood ah, taas ayaana sabab u ah khilaafka ka dhexjira baarlamaanka" ayuu yiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa.
Sidoo kale Prof. Dalxa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda ee Milateriga iyo Booliisku ay iyagana haysato dhibaato middan la mid ah, oo aysan helin wax mushaaraad ah muddo 10-bilood ka badan.
"Mushaar la'aanta taagan waa mid ay mas'uul ka tahay Qarammada Midoobay oo horay u ballanqaaday inay bixinayso mushaaraadka xubnaha Baarlamaanka" ayuu yiri Prof. Dalxa oo u warramayay Wargeyska Asharqalawsat.
Guddoomiye ku xigeenku wuxuu is weydiiyay: "Sidee bay suurogal ku noqon kartaa inay xildhibaannada baarlamaanku kulmaan iyagoo aan haysan lacago arrimahooda gaarka ah ay ku fushadaan?". "Waa in arrintan sida ugu dhaqsiyaha badan loo xalliyo" ayuu yiri isagoo ka jawaabayay su'aashiisii hore.
Wuxuu sheegay in Qarammada Midoobay ay u soo gudbisay in laba bilood ay siinayso xildhibaannada baarlamaanka mushaaraadkooda, taasoo uu sheegay in la diiday, maadaama ay ka maqan tahay 10-bilood oo mushaar ah.
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa u dhexeeya khilaaf ku saabsan xilliga shaqo ee guddoonka baarlaamaanka, taasoo ay sheegeen inaysan ka tanaasulayn, halka Madaxweyne Sheekh Shariif uu sheegay in xal laga gaaray khilaafkaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya