Khasaaraha ka dhashay Roobabkii Da'ay meelo ka mid ah Nugaal iyo

Khamiis, April 29, 2010 (HOL)  Waxaa sii korortay khasaaraha ka dhashay roobab ka da'ay meelo ka mid ah Puntland ,gaar ahaan Nugaal iyo sanaag Labadii Maalmood ee la soo dhaafay.

Sedex Ruux ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen roobab labo maalin ka hor ka da'ay meelo ka mid ah gobolka nugaal gaar ahaan togga wayn ee Garowe.

Dadka Garowe oo la soo xiriray qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in roobka uu gaystay khasaare adan oo la xiriirta hantidii ay haysteen.

Sedexda  ruux ee ku Geeriyootay Roobabka Nugaal ayaa ahaa hooyo iyo laba Caruur ah oo ay dhashay,Waxaana la sheegay in daaadku uu qaaday.

Dhinaca kale roobab ka da'ay degmada Ceergaabo ee gobolka sanaag ayaa La sheegay in ay ku geeriyoodeen labo ruux,Waxaana dadka deegaankaasi ay codsadeen in gar gaar lala soo gaaro.

Marka laga soo tago in ilaahey uu raxmadiisa  ku Mannaystay meelah qaar   ayaa hadana waxaa jira khasaare noocyo kala duwan  isugu jira oo ay roobabkaasi  gaysten.

Faisel Maxamed Hassan (Boston),Hiiraaan  Online
[email protected]
Bosaso,Somaliya