Khamiis, April 29, 2010 (HOL) - Afhayeenka Ahlusunna Waljamaaca Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu-Yuusuf (Al-Qaaddi) oo warfidiyeenika kula hadlay Muqdisho shalay gallinkii dambe ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal ay ku weerarayaan Degmada Afgooye, Ceelasha Biyaha iyo Suuqa Xoolaha oo ay gacanta ku hayso Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Sheekh C/llaahi Abuu-Yuusuf wuxuu sheegay in qorshahan uu yahay mid ay kaga gol-leeyihiin inay ku qabsadaan deegaannadaas oo ay awood badan ku leeyihiin kooxaha dagaalka kula jira Dowladda Soomaaliya.
"Waxaan doonaynaa inaan ballaarino dagaalka aan kula jirno Al-shabaab iyo Xisbul Islaam ee ka bilowday Muqdisho oo aan kula dagaalanno deegaanno ay ka mid yihiin: Degmada Afgooye, Suuqa Xoolaha iyo Ceelasha Biyaha" ayuu yiri Sheekh C/llaahi Abuu-Yuusuf.
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dagaalladooda aysan joojinayn inta ay ka xaqiijinayaan inay la wareegayaan goobaha ay Xarrakatul Shababa iyo Xisbul Islaam kaga sugan yihiin Muqdisho iyo Gobollada dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu Afhayeenkan ku eedeeyay todobaadkii hore inaysan wax dagaal ah kula jirin kooxaha kasoo horjeeda, balse madaafiic keliya lagu garaaco Magaalada ayna waxyeello ba'an kasoo gaarto dadka shacabka ah.
Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam oo dagaal kula jira Dowladda ayaan ka jawaabin hadalka kasoo baxay Ahlusunna Waljamaaca ee ku aaddan inay kula dagaalami doonaan Magaalada Muqdisho iyo daafaheeda.
Ururka Ahlusunna ayaa dhawaan sheegay inay Muqdisho ka bilaabeen dagaallo ay kaga horjeedaan Xarrakatul Shabaab, kuwaasoo ka bilowday qaybo ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Holwadaag, iyadoo ay xirantay waddadii loo mari jiray Bakaaraha.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
AFHAYEENKA AHLUSUNNA: "Waxaan dhawaan weerarro ku qaadi doonnaa Degmada Afgooye, Ceelasha Biyaha iyo Suuqa Xoolaha"
More News
- Max'ed Weheliye Odawaa:- waan ka warqabnaa in ay Maagalada Beledweyne iska dhax joogaan shaqsiyaad ka tirsan dhinacyada dagaallka nagula jira.......
- Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in muranka baarlamaanka uu ka dhashay mushaar la'aan haysata Xildhibaannada
- Dagaal ciidamo kawada tirsan Dowladda Soomaaliya maalintii labaad ku dhexmaray Degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho
- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ku tilmaantay Tifaftirayaasha BBC-da iyo VOA-da inay yihiin Murtadiin dagaal kula jira Muslimiinta
- Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo sheegay in ciidamada Dowladda ay ku biirayaan xoogagga dagaalka kala soo horjeeda
- Khasaaraha ka dhashay Roobabkii Da'ay meelo ka mid ah Nugaal iyo
- Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo saakay ku dagallamay deegaanno hoos taga degmada Guri-ceel.
- Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo saakay ku dagallamay deegaanno hoos taga degmada Guri-ceel