Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo saakay ku dagallamay deegaanno hoos taga degmada Guri-ceel.

Khamiis, 29, April, 2010 (HOL) Wararka laga hellayo degmada Guri-ceel ee Goballka Galguud ayaa sheegaya in saakay Waabarigii hore dagaallo u dhaxeeya Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrkada Mujaahidiinta Al-shabaab ka dhaceen deegaanno hoos taga degmada Guri-ceel ee Goballka Galaduud.

Sida uu HOL u sheegay Wariye jooga Degmada Guri-ceel dagaallka xoogaasi ayaa ka dhacay deegaannka lagu magacaabo Ceel-baxay kadib markii ay halkaa weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ilaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay dagaallka saakay la sheegay in uu dhaxmaray labada dhinac, inkastoo Saraakiil u hadashay Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab sheegeen in ay la wareegeen gacan ku heynta goobihii lagu dagaallamay.
Dagaalka saakay ayaa daba jooga dagaalo maalmihii ugu danbeeyay dhinacyada isaga soo horjeeda

Goballada Bartamaha Soomaaliya ee Al-shabaab iyo Ahlu Sunna ku dhaxmrayay deegaanno badan oo ka tirsan Goballka Galgaduud oo ka mid ah goobaha ay ku xooga badan yihiin Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljmeeca.

Waxaana xusid mudan in dagaallkan u danbeeyay ee ka dhacay Goballka Galgaduud qeyb ka yahay doonista Xarrakada Al-shabaab ee ah in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaannada ay Maamulaan Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca iyaga oo horay ula wareegay deegaannada Masago-waay, Galcad, iyo Ceel-dheer oo ka tirsan Goballka Galgaduud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]