Khamiis, April 29, 2010 (HOL) - Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo ay Dowladdu kusoo tababaray dalka Jabuuti inay ku biiraan xoogagga kasoo horjeeda Xukuumadda.
Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Yusuuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) iyo Col. Axmed Aadan Dhaayow oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay boqolaal askari ka goosteen Dowladda Soomaaliya.
"Ciidamadan waxay la goosteen hubkooda, waxayna qaarkood ku biireen Al-shabaab halka kuwo kalena ay isaga baxeen howlaha ciidamada" ayuu Col. Axmed Aadan Dhaayow u sheegay Wakaaladda Wararka Mareykanka ee AP.
Waxaa la rumeysan yahay in ciidamada ka goostay dowladda ay yihiin kala bar in ka badan 1000-askari oo loogu soo tababaray dalka Jabuuti sannadkii hore, iyadoo sidoo kale ciidamo dalal lagu soo tababaray ay qaarkood goosteen.
"Dowladda waxaa ka goostay ciidamo badan oo ku biiray mucaaradka" ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacade oo ka gaabsaday inuu sheego tirada ciidamada ka goostay dowladda, kuwaasoo la sheegay inay ku biireen Xarrakatul Shabaab.
Xukuumadda Mareykanka ayaa bixisay lacag gaaraysa 6.8-Milyan oo Dollar taasoo loogu talogalay in lagu tababaro ciidamada Dowladda Soomaaliya, sidoo kalena waxay bixisay mushaarka askarta Dowladda taasoo gaaraysa askarigiiba 100-Dollar.
Col. C/llaahi Caraaye Gacma-duulle oo ka tirsan saraakiisha hoggaanka ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin ciidamo lagu soo tababaray dalka Jabuuti oo ka goostay Dowladda Soomaaliya oo ku biiray xoogagga kasoo horjeeda.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay waddo qorshayaal ay kula wareegayso Magalaada Muqdisho iyo Gobollada dalka oo ay gacanta ku hayaan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo sheegay in ciidamada Dowladda ay ku biirayaan xoogagga dagaalka kala soo horjeeda
More News
- Max'ed Weheliye Odawaa:- waan ka warqabnaa in ay Maagalada Beledweyne iska dhax joogaan shaqsiyaad ka tirsan dhinacyada dagaallka nagula jira.......
- Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in muranka baarlamaanka uu ka dhashay mushaar la'aan haysata Xildhibaannada
- Dagaal ciidamo kawada tirsan Dowladda Soomaaliya maalintii labaad ku dhexmaray Degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho
- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ku tilmaantay Tifaftirayaasha BBC-da iyo VOA-da inay yihiin Murtadiin dagaal kula jira Muslimiinta
- AFHAYEENKA AHLUSUNNA: "Waxaan dhawaan weerarro ku qaadi doonnaa Degmada Afgooye, Ceelasha Biyaha iyo Suuqa Xoolaha"
- Khasaaraha ka dhashay Roobabkii Da'ay meelo ka mid ah Nugaal iyo
- Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo saakay ku dagallamay deegaanno hoos taga degmada Guri-ceel.
- Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo saakay ku dagallamay deegaanno hoos taga degmada Guri-ceel