Labo Nin oo Ajnabi ah oo laga af-duubtay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho

Talaado, July 14, 2009(HOL): Labo Nin oo Ajnabi ah, isla markaana la sheegay in ay Saxafiyiin ahaayeen ayaa saaka laga af-duubtay Hotelka Saxafi International ee Magaalada Muqdisho oo ay deganaayeen.

Labadan Nin oo ku sugnaa gudaha Hotelka ayaa la sheegay in ay ugu tageen halkii ay joogeen Rag ku labisan Dharka Ciidamada  Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo dibadda ula soo baxay kaddibna kaxeystay.

Waxaa cajiib ah in halka laga afduubtay Raggan Ajnabiga ah ay tahay goob aad ammaankeeda loo ilaaliyo, isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom, inkastoo kuwa Amisom aysan ka soo degin daaraha u dhow Isgoyska KM4 oo Hotelka Saxafi uu ku yaallo.

Waxaa jira warar sheegaya in Raggaas la qafaashay ee Ajnabiga ah oo u dhashay dalka Faransiiska loo kaxeystay dhinaca Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan, halkaasi oo sida warar dambe oo na soo gaaray ay sheegayaan in laga sii kaxeystay.

Afduubka raggan Ajnabiga ah ee Saxafiyiinta lagu sheegay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddo sanad ku dhow gudaha Magaalada Muqdisho af-duub loogu heysto labo wariye oo u kala dhashay Canada iyo Australia, kuwaasi oo ay kooxo hubeysan ka qafaasheen inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, halkaasi oo ay doonayeen in ay ka soo sameeyaan sheekooyin ku saabsan xaaladda dadkii ku barakacay dagaalladii Muqdisho ka dhacay sanadihii 2007-2008.

Wixii ku soo kordha xaaladda Wariyayaashan halkan kala soco Haddii Alle idmo Insha Allaah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya