Xukuumadda Somaliland oo Xabsiga u taxaabtay Suxufiyiin Idaacad Madax-bannaan ka hawl-gala

Talaado, 14 July 2009 (HOL): Laba Suxufi oo ka tirsan Idaacadda Madaxa bannaan ee Horyaal ayaa shalay Xabsiga loo taxaabay, ka dib markii laga qabtay Xafiiskooda Hargeysa iyaga oo hawshooda shaqo gudanaya.

Labadan Suxufi oo kala ah Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Axmed Saleebaan (Dhuxul), ayaa Ciidamo Sirdoon ah oo ay weheliyaan Ciidamo Boolis ah oo wata Gaadhi kuwa Ciidamada ahi ka kaxeeyeen Xarunta Idaacadda Horyaal ee Magaalada Hargeysa, iyaga hawshooda shaqo gudanaya. Wararku waxay intaa ku dareen in labadan suxufi la geeyay oo ay hadda ku xidhan yihiin Xarunta dembi-baadhista ee C.I.D-da.

Inkasta oo aan la faahfaahin sababta loo xidhay Suxufiyiintan, haddana go’aan laga soo saaray Shir uu guddoominayay Madaxweyne Rayaale oo ay yeesheen guddi Xukuumadda ka tirsan oo la xidhiidha shaqaaqada Deegaanka Ceer-berdaale ka dhacday, ayaa lagu sheegay qodob ka mid ah in tallaabo laga qaado Hay’ado Warbaahineed oo ay Horyaal ka mid tahay. Taas oo u muuqanaysa in Xukuumaddu ay doonayso in ay kaga xuub-siibato doorka ay Siyaasad ahaan ku leedahay shaqaaqada, maadaama aanay fulinin go’aanadii guurtidu ka soo saartay arintan.

Xukuumaddu way ka gaabsatay inay ka hadasho Xadhigga Weriyayaashan.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland