Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo ku baaqay in Ciidamo badan oo nabad ilaaliyayaal ah loo diro Soomaaliya

Talaado, July 14, 2009(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Moses Watengula ayaa sheegay in inkastoo ay Dalal badan oo ka tirsan Midowga Afrika ay ballanqaadeen in ay Ciidamo u dirayaan Soomaaliya,haddana ay kaliya Muqdisho joogaan Ciidamo ka socda Dowladaha Uganda iyo Burundi, kuwaasi oo tiradooda gaareyso 4,300 oo Askari.

Watengula waxaa uu sheegay in Midowga Afrika uu ballanqaaday in uu Ciidamo gaaraya 8,000 oo askari uu u dirayo Soomaaliya, si ay u caawiyaan Dowladda Soomaaliya, balse lama helin ciidamadii la sugayay, waxaana kaliya la hayaa kala bar ciidamadii loo ballanqaaday Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in qaska iyo fowdada ka jirta Soomaaliya ay nabadgelyo darro u keeni karto Dalalka Soomaaliya la deriska ah. Sidoo kalena sharci iyo kala dambeyn la’aanta ka jirta Soomaaliya ayuu sheegay in ay keentay inay Kooxo Burcad Badeed ah ka dilaacaan Xeebaha Soomaaliya, ayna nabadgelyo darro ku soo kordhiyaan ku safarka Badweynta Hindiya.

“Midowga Afrika waa in uu  hubiyaa in dalalkii ballanqaaday in ay Ciidamo u dirayaan Soomaaliya ay ballanqaadkaas si deg deg ah u fuliyaan si loo soo celiyo nabadgelyadii iyo kala dambeyntii Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya.

Moses Watengula waxaa uu soo jeediyay in Midowga Afrika uu waajibaadka u kordhiyo Ciidamada Amisom ee ku sugan Muqdisho si buu yiri ay u adkeeyaan ammaanka, ayna isaga difaacaan khataraha ku imaan kara iyaga iyo Dowladda Soomaaliya ee ay difaacayaan.

“Waxaa la gaaray waqtigii Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah loo diri lahaa Soomaaliya, si ay Ciidamadaas meesha uga saaraan nabadgelyo darrada uu ku jiro Wadanka Soomaaliya”ayuu mar kale yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Moses Watengula.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya