Talaado, July 14, 2009(HOL): Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku heyso qorshayaal ay uga hortegeyso in dalka Soomaaliya la soo geliyo Dawo iyo Raashin dhacay ama taariikhda dhicitaankeeda ay soo dhowdahay.
Wasiirka ganacsiga Dowladda Soomaaliya C/rashiid Cirro ayaa sheegay in qorshahaas lagu koontaroollayo Raashinka iyo Dawada dalka la soo geliyo uu ka bilaaban doono si isku mid ah Dekedaha iyo Garoomadaha ay gacanta ku heyso Dowladda Soomaaliya.
C/rashiid Cirro waxa uu intaas ku daray in sidoo kale garoomada iyo Dekedaha ku yaalla Puntland iyana laga horgelin doono qorshahaas, wuxuuna caddeeyay in uu madaxda Puntland dhawaan arrintaas kala soo hadlay.
Qorshahan ayaa haddii ay hirgeliso Dowladda Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed heli doonaan Raashin iyo Dawo leh tayo si heer ah loo koontaroolay, iyadoo ay xusid mudan tahay in tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya la soo gelin jiray Dalka Soomaaliya Raashin iyo Dawooyin dhacay ama taariikhda dhicitaankeeda uu soo dhow yahay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Ciidamadeeda Xisbada (Police-ka) ay howlgallo ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ay ku soo heleen Bakhaarro ay ku jiraan Raashin dhacay iyo kuwo aan tayo wanaagsan lahayn, waxayna markaasi kaddib mas’uuliyiinta Al-Shabaab ay ammar ku bixiyeen in raashinkaas dhacay dibadda loo soo saaro kaddibna la baabi’iyo, iyagoo uga digay ganacsatada Soomaaliyeedna in aysan dalka soo gelin Raashin iyo Dawo dhacay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya