Talaado, July 14, 2009(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay tijaabisay awoodda xoogagga dagaalka kala soo horjeeda, isla markaana ay qorsheyneyso in ay qaaddo howlgallo ay kooxaha ka soo horjeeda uga sifeyneyso Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya C/risaaq Maxamed Qeyloy ayaa sheegay in howlgallo ay Ciidamada Dowladda qaadeen ay ku ogaadeen in aysan jirin awood hortaagan oo ay leeyihiin kooxaha ka soo horjeeda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay qorsheynayaan howlgallo kale oo sida uu yiri magaalada looga sifeynayo Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda.
“Qorshahaas waxaa gacanta ku haya Saraakiisha Ciidamada ee Dowladda Soomaaliya, mar dhowna waxaa ka dhici doona magaalada Muqdisho is-bedel”ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Daraawiisha Dowladda Soomaaliya Shiikh C/risaaq Maxamed Qeyloy.
Haddaba iyadoo uu sidan leeyahay Afhayeenkan u hadlay Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya ayaa haddana mas’uuliyin u hadlay Xoogagga ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya waxa ay sheegayaan in ay ku gacan ku sarreeyaan dagaallada Muqdisho, isla markaana ay gacanta ku hayaan degmooyin dhowr ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya